Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Qatar waxaa ka dhaxeeya Xiriir aad u fiican iyo wada shaqeyn.

https://i0.wp.com/www.voanews.com/somali/images/Cali-Jaamac-Jangali.jpg

 Halkaan ka akhri

Wasiirka Arrimaha Dibeda ee KMG ah ee Soomaaliya Cali Jaamac Jangali ayaa sheegay in xiriir fiican uu ka dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo ay jirto warar sheegaya in Qatar ay taageerto kooxaha mucaaradka ku ah dowlada Soomaaliya.

Mudane Jangali wuxuu ka mid yahay wafdi ka kooban wasiiro iyo xildhibaano oo uu hogaaminayo Madaxweyne Sheekh Shariif, kuwaasi oo xalay booqashadu uga bilaabatay dalka Qatar. Hase yeeshee booqashadan ayaa ka danbeysay kadib markii Amiirka Qatar uu casuumad rasmi ah u fidiyay Madaxweyne Shariif.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Jangali wuxuu Idaacadda VOA laanteeda Af-soomaaliga u sheegay in Madaxweyne Shariif uu kala hadli doono dowlada Qatar sidii ay dowlada Somalia ugu taageeri lahaayeen dhinacyada kala duwan.

Ma ahan markii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Shariif gaaro dalka Qatar. iyadoo waqti hore uu dalkaasi kaga qeybgalay shir-madaxeedkii ururka Jaamacadda Carabta.

Dhanka kale Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in casuumaddu ay timid kaddib markii uu Sheikh Shariif ka codsaday Hillary Clinton in Mareykanku uu Qatar cadaadis ku saaro inay joojiso taageero dhaqaale oo la rumeysan yahay inay u fidiso qaar kamid ah kooxaha ka soo horjeeda DKMG ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: