Amiirka dalka Qadar oo la kulmay Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xubno ka tirsan Wafdigiisa.

Sh. Shariif, Amiirka Qadar

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Dowladda KMG ag ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdigii uu Hogaaminayo ayaa Shalay galinkii Danbe gaaray Magaalada Dooxa ee Caasimada Wadanka Qadar, ka dib markii uu Marti qaad rasmi ah ka helay Amiirka Dalkaasi, wuxuuna halkaas joogi doonaa Dhowr maalin.

Garoonka diyaaradaha Caalamiga ayaa waxaa si diiran ugu  soo dhaweeyay Gudoomiyaha Mu’asasadda Warfaafinta Qadar Sheikh Xamdi Bin Thaamir Aala Thani, Safiirka DKMG ah u jooga Qadar Ismaaciil Qaasim Naaji iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Qatar.

Madaxweyne Sheikh Shariif iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Qasriga “Al-Wajbah” kulan kula qaatay Amiirka Dalka Qadar Sheekh Xamdi Bin Khaliifa Aala Thani, Sheekh Xamdi Bin Jaasim Jabar Bin Thaanii Ra’isul Wasaaraha, ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Qadar, iyo Sheekh Xamdi Bin Thaamir Aala Thani, Gudoomiyaha Mu’asasadda Warfaafinta Qadar.

Kulankaas waxaa Goob joog ka ahaa Gabadha lagu magacaabo Hindo Binti Xamdi Bin Khaliifah Aala Thani oo ah Maamulaha Xafiiska Amiirka Qadar, Sayid Sacdi Bin Maxamed Al-ramiixi Xoghayaha Amiirka, Sayid C/lla Bin Ciid Al-Saliidiyi Maamulaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Qadar iyo Safiir Ibraahim C/casiis Al-sahlaawi Maamulaha Arimaha Carabta ee Wasaaradda Arimaha Dibadda.

Sidoo kale dhinaca Dowladda KMG ah waxaa kulankaas Goob joog ka ahaa C/raxmaan Jaamac C/llaahi Wasiirka Warshadaha, Cali Jaamac Jangali Wasiirka Arimaha Dibadda, Xassan Macallin Maxamuud iyo Safiirka DKMG ah u fadhiya Qadar Ismaaciil Qaasim Naaji.

Kunka labadda Dhinac ayaa waxaa loogu wada hadlay sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Qadar xiriirka labada Dal, waxyaabihii ugu danbeeyay ee ku soo kordhay Saaxadda Carabta iyo Midda Dowliga ah.

Dhanka kale Wakaaladu ma aysan Sheegin wax  faah faahin ee la xiriira waxyaabihii ka soo baxay wadahadalla labada dhinac, balse Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa shalay la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay inay ka wada hadli doonaan labada Dhinaca “Horumarita Xiriirka u dhaxeeya labada Dal”.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Sheikh Shariif iyo wafdigiisa ay uga sii gudbi doono Qadar dhanka Dalka Imaaraadka Carabta kaasoo la Sheegay inuu Marti Qaad ka helay Amiirka dalka Imaaraadka Carabta.

Safarka Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ay ku soo kala bixinayaan Wadamada Qatar iyo Imaaraadka, wuxuu xoojin doonaa xiriirka u dhaxeeya Dalalkaasi iyo Soomaaliya.

SomaliSwiss Doha

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: