Halkaan ka akhri
Afhayeenka Ciidanka Booliska ee dowladda KMG, C/llaahi Xasan Bariise oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku sheegay in Ciidanka Boliiska uu maalmahanba howl galo ka waday magaalada Muqdisho, kuwaas oo ujeedadooda ahayd mid lagu ogaanayo xaalada nabad-gelyo ee magaalada Muqdisho.
Qaybta Ciidanka Darwiishta oo ka tirsan Ciidamada Boliiska ee dowladda KMG ayaa waxay maalmihii ugu dambeeyay ka sameynayey Howlgalo lagu nadiifinayo goobaha ay dowladda ay maamusho DKMG ee tirsan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Afhayeenka Booliska ayaa waxa uu cadeeyay in gacanta lagu soo dhigay tiro ka mid ah askarta ku dhaqanta falalka burcadnimo, kuwaasoo uu sheegay in xabsiga loo taxaabay.
C/llaahi Xasan Bariise waxaa uu sheegay in wixii maanta ka dambeeya in aan la arki doonin askari si micno la’aan ah hub u la dhex mari doona wadooyinka magaalada ee goobaha ay ka taliso dowladda KMG.
Dhanka kale Taliska Ciidanka Boliiska ayaa waxaa uu cadeeyay in ay dib ugu soo laabteen  magaalada Muqdisho Ciidamo tobabar ugu maqnaa dalka dibaddiisa, kuwaas oo kaalin wax ku ool ah ka qaadan doono howlaha Boliiska.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.