Halkaan ka akhri
Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Ahmedu Ould-Abdallah ayaa baaq u soo jeediyay Dhinacyada isaga soo horjeeda Siyaasadda Soomaaliya in la joojiyo dagaalada bisha Ramadaanka.
Wakiilku wuxuu ku tilmaamay Dagaalka in laga leeyahay dano gaar ah, isagoona tilmaamay sidoo kale in la gaaray xilligii la joojin lahaa.
Ahmedou ayaa baaqiisa waxaa uu ku soo daray in laga faa’ideysto fursadda oo si deg-deg ah loo joojiyo dagaalada weli ka taagan gudaha Soomaaliya.
Dhanka kale Wakiilku waxa uu isweydiiyay sababta ay xilligan uga sii socdaan dagaalo gudaha Soomaaliya iyadoo ay meesha ka baxeen ciidanka Itoobiya, wuxuuna farta ku fiiqay in aysan jirin sabab keenaysa in dadka la argagax geliyo, waa sida uu hadalka u dhigay.
Wakiilka ayaa ammaan waxa uu u jeediyay dowladaha isku dayaya in ay gacan siiyaan dowladda KMG, isagoona baaq u jeediyay Soomaalida ku dhaqan dibadda in ay qeyb ka qaataan barnaamij lagu soo celinta nabadda Soomaaliya.
SomaliSwiss  Nairobi
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.