Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka dhoofay garoonka Muqdisho, kuna sii jeeda dalka Qadar.

Sheikh_Shariif_garoonka_Muqdisho

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehliya wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada Cali Jaamac Jaangali iyo Xasan Macalin, iyo weliba xubno kale oo dowladda ka tirsan.

Socdaalkan ayaa sida lasheegay waxaa uu ku aadan yahay sidii loo dhisi lahaa xiriirka Siyaasadeed iyo midka Militari ee ka dhaxeeya dowladda KMG Soomaaliya iyo Qadar.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa marka ay ka degaan magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar, in ay kulamo la yeelanayaan madaxda dalkaasi, waxaana ay uga sii duuli doonaan magaalada Dubai ee dalka Imaraadka Carabta.

Xafiiska Siyaasadda dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha uu casuumaad ka helay dowladaha Qatar iyo Imaaraadka Carabta, uuna ku hormarayo dalka Qadar.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: