Iska horimaad ka dhacay Wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Somali government soldiers patrol in the capital Mogadishu, August, 22, 2009

Halkaan ka akhri

Salaadii Subax ee Saaka Kadib ayaa Dagaal Xoogan oo leysku adeegsanayey Hubka noocyadiisa kala duwan una dhexeeyey Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xoogaga Mucaaradka ah ee ka soo horjeeda ayaa waxaa uu ka Qarxay inta u dhaxeysa Sarkuusta iyo Isgoyska Ex-Control Afgooye ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Xoogaga Mucaaradka ayaa waxay Weerareen Fariinska Ex-Control Afgooye oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, dagaalkaas oo  socday in kabadan 3 Saacadood oo xiriir ah. 

Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta dowladda KMG Soomaaliya C/risaaq Qeylow oo dagaalka kadib u waramayey warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in la soo weeraray Ciidamadooda ku sugan Ex-Control Afgooye, ayna iska difaaceen wuxuuna yiri: “Waxay isku dayeen in ay soo weeraraan  goobihii Ciidamada Dowlada ay ku suganaayeen laakin waa leyska caabiyey dib ayeyna isaga laabteen”.

Sidoo kale Qeyloow wuxuu  sheegay in  khasaaraha dhankooda soo gaaray inuu yahay 2 dhaawac ah, waxaana hadalasiisa kamid ahaa: “Xageena 2 Nin Baa Dhaawac fudud soo gaaray, laakin iyaga hada wax aan aragnay majirto howdkey ku carareen”.

Dhanka kale waxaa La weydiiyey Qeyloow in ay Gurmad ka Heleen Ciidamada Buruundi ee degan Jaamacadaha, waxaana uu ku jawaabay: “Ciidamo in ay isu gurmadaan waa ay ku qasban yihiin, gurmadna meesha waa uu soo gaaraay ragana intaan la soo gaarin bey iska carareen “.

Hase yeeshee ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xoogaga Mucaaradka ee weerarka qaaday, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Saaka wallow dad goob jooga yaal ah ay sheegeen in ay jiraan Qasaarooyin soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo waliba dad Rayid ah.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: