Dowladda Fransiiska iyo Dowladda KMG Soomaaliya oo ka hadlay “sii deynta” saraakiisha.

 Halkaan ka akhri

Waxaa  isa soo tarayaan wararka la xiriira saraakiisha Fransiiska ee kal hore afduub loogu geystay gudaha magaalada Muqdisho, ayaa dowladda KMG waxaa ay sheegtay in ay haatan gacanta haysto mid ka mid ah saraakiishaasi. Waxaa arrintan sidoo kale ka hadlay dowladda Fransiiska.

Warar is-khilaafaya ayaa waxaa ay sheegayaan in: “la daayay mid ka mid ah saraakiishaas, labadooduba iyo midkood in uu baxsaday ka dib markii awood uu adeegsaday”.

War kooban siiyay saxaafadda Wasiirka Warfaafinta ee dowladda KMG, Daahir Maxamuud Geelle ayaa wuxuu yiri: “Waxaan kaliya idin sheegayaa waxaa ay tahay in ay bad qabaan saraakiisha, mid ayaana gacanta ku haynaa”,

Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Fransiiska, ayaa waxaa uu sheegay in aysan dhicin wax dhibaato ah, wuxuuna xaqiijiyay mid ka mid ah saraakiisha in uu ka baxay gacanta afduubayaasha.

Hase yeeshee Wuxuu caddeeyey ee uu sheegay in aysan jirin wax lacag ah oo lagu bixiyay soo celinta xoriyadda sarkaalkan.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiishan ayaa dalka waxaa ay u yimaadeen si ay talooyin dhinaca ammaanka ah siiyaan dowladda KMG ee Soomaaliya, waxaana ay ku dhaceen gacanta afduubayaasha bartamihii bishii hore ka dib markii koox hubeysan ay weerareen hotel ay joogeen gudaha magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: