Halkaan ka akhri
Wasiirka war faafinta Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay sheetay in gacanta dowladda uu soo galay mid ka mid ah lahaystayaal u dhashay dalka Faransiiska oo kol hore Muqdisho lagu afduubtay.
Labadan nin oo Faransiiska ah ayaa afduub loogu gaystay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho taariiqdu marka ay ahayd 14=07=09 ayaa maanta dowladda KMG ee Soomaaliya waxa ay ka dhawaajisay in mid kamid ah ragaasi uu soo galay gacanta dowladda KMG Soomaaliya.
Daahir Maxamuud Geele oo ah Wasiirka warfaafinta dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta warsaxaafadeed siiyey warfidiyeenada Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay hadda ay gacanta ku hayaan mid kamid ah ragii Faransiiska ahaa.
Wasiirka war faafinta dowladda KMGÂ ayaan wax faah faahin dheeri ah ka bixin qaabka uu ninkaasi u soo galay gacanta dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Si kasta ha ahaatee ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay kooxihii afduubka u haystay raga Faransiiska.
SomaliSwiss  Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.