Qaar ka mid ah Gobollada dalka Soomaaliya oo laga soo sheegay Abaaro dadka iyo duunyaba saameeyey.

abaaro3

Halkaan ka akhri

Waxaa isa soo taraya maalinba maalinta ka danbeysa qeylo dhaanta ka imaanaysa qaar ka mid ah xoolo dhaqatada ku nool qeybo ka mid ah gobollada dalka, hase yeeshee qayla dhaankii ugu horreeyey waxay ka imaanayaan gobollada Sh/hoose, Sh/Dhexe,Gedo iyo Galgaduud.

Hase yeeshee wararka aan ka helayno degmada Wanlaweyne ee gobolka Sh/hoose, gaar ahaan Deegaanka Dudumo Gaduud ayaa lagu soo waramayaa in deegaankaas ay ka taagan yihiin xaalado ba’an oo la xariira abaaro saameeyay dadka iyo duunyada halkaas ku nool.

Sida la sheegay deegaankaas ayaa waxaa horay u hareeyay abaaro lixaad leh iyado sanadihii ugu dambeeyana aanay jirin wax roob ah oo ka da’ay taasoo sababtay in dadku ay u adkaysan waayaan abaarta lixaada leh ee deegaankaas ka jirta.

Inta badan dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa noloshoodu waxaa ay ku xeren tahay dhanka xoolahaiyo Beeraha, waxaana haatan si weyn looga deyrinayaa xaalada xoolahooda kuwaas oo la sheegayo in ay soo wajahday saad iyo Biyo la’aan ka jirta deegaankaas awgeed.

Warka wuxuu intaas ku darayaan in xoolo dhaqatada deegaanka Dudumo Gaduud ay haatan bilaabeen in ay ka soo caraawiyaan Xoolahooda deegaankaas, islamarkaana ay Xoolahooda u raadsadaan deegaan kale oo ka roon deegaanka ay ku nool yihiin haatan.

SomaliSwiss Wanlaweyn

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: