Qaar ka mid ah Carruurta Soomaaliyeed oo la sheegay in ay la ildaran yihiin nafaqo daro soo wajahday Awgeed.

logosomalia-childrenHalkaan ka akhri

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Dhalaanka oo magaceeda  loo yaqaano SOS ayaa sheegtay in badan oo ka mid ah Carruurta Soomaaliyeed ay u dhimanayaan Xaalad nafaqo daro oo soo wajahday awgeed. xiligan sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan Hay’adaasi.

Hayley Jarvis oo ah Masuul ka tirsan Hay’adda SOS ayaa soo bandhigay warbixin ka tarjumayso heerka Xaladda bini’aadanimo ee haatan ka jirta gudaha dalka Soomaaliya taasoo ka dhalatay dagaalada ka socda 18ka Sano dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Warbixinta ayaa lagu xusay in 75 boqolkiiba dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin in ay helaan gar gaar bini’aadanimo oo deg deg ah kuwaasoo dadka ugu badan ay ku noolyihiin xeryaha dadka soo Barakacay.

Dhanka kale warbixinta ayaa lagu muujiyay in 5-tii caruur ah mid ka mid ah uu la ildaran yahay nafaqo daro,waxaana maalinba maalinta ka denbeysa soo kordhaya tirada Caruurta la ildaran nafaqo darida, kuwaas oo ka barakacay deegaanadii ay ku noolaayeen dagaalka micna darrada ah awgiis.

Sida lagu sheegay Warbinta in Dagaalada u dhaxeeya dowladda KMG ah iyo xoogaga ka soo horjeeda ayaa adkeeyay in gar gaar lala gaaro goobaha ay ku nool yihiin dadkaasi.

Si kasta ha ahaatee Warbixintaan ayaa waxaa ay ku soo aadeysaysaa Waqti Qaramada Midoobay ay sheegtay in dad gaaraya 3.2 milyan ay u baahan yihiin gar gaar bini’aadanimo kuwaas oo xaladoodu ay sii xumaanaysay wixii ka dambeeyay 2008-da.

Source: SOS

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: