Ciidamo ka wada tirsan Dowladda KMG oo dagaal ku dhex marey KM4, khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac dhaliyay.

government Somali militiamen1

Halkaan ka akhri

Waxaa Maanta Duhurnimdadii uu ku dhex marey Isgoyska KM4 iyo Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho Ciidamo ka wada tirsan DKMG ah, waxaana ku dhimatey 5 qof, tiro kalena dhaawacyo kale duwan ayaa ka soo gaarey, iska hor’imaad muddo kooban socdey oo.

Sida lagu soo warramay dadka ku dhintey iska horimaadkaas ayaa  waxaa ka mid ahaa 3 qof oo rayid ah, halka 2da kalena ay ka tirsanaayeen ciidamadii Iska hor’imaadku dhex marey.

Dadka dhaawacmey ayaa loola cararey dhanka Isbitaal Madiina ee Muqdisho, si halkaa loogu dabiibo, hase ahaatee Ciidamada Iska hor’imaadku dhex marey ayaa ahaayeen kala Ilaalada Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Ciidamda Daraawiishta..

Sidoo kale Xalay ayey aheyd markii rasaas xoogan oo ay fureen Ciidamada DKMG ah ee ku sugan Degmada Xamar Jabab ay geysatey dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 13 kale oo dhamaantood ah Rayid.

Ilaa hadda ma jiro wax war  ah oo ku aadan Iska hor’imaadkan oo ka soo baxey dhanka Saraakiisha Ciidanka ee DKMG ah.

Hase yeeshee Xaalada Isgoyska KM4 ayaa muddo ka dib sideedii hore ku soo noqotey, inkastoo uu hakad ku yimid dhaq-dhaqaaqyadii kale duwanaa ee halkaa ka jirey.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: