Afhayeenka Ciidamada daraawiishta dowladda KMG oo shaaca ka qaaday in ay guulo ka gaareen dagaaladii dhacay xalay ilaa saakay.

7279_NpAdvSinglePhoto

Halkaan ka akhri

War goor dhaweyd aan ka helnay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dowladda KMG Soomaaliya ay guulo ka gaareen dagaaladii xalay ilaa saakay ka dhacayay qaybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada daraawiishta dowladda KMG ee Soomaaliya Sheikh C/risaq Maxamed Qaylow oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay dagaalo xalay ilaa iyo saakay ka dhacay qaybo kamid ah Wadada Makka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Sheikh C/risaq Maxamed Qaylow waxa uu sheegay in la soo weerar xalay Ciidamada dowladd KMG ee fariisinka ku leh Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee Qaylow waxa uu tilmaamay in Xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG ay qasaarooyin u gaysteen sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka oo mar la waydiiyay su’aal la xiriirta duqaymaha loo gaysto Suuqa weyn ee Bakaaraha xilliyada ay dirirtu dhaxmarto dowladda KMG iyo Xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda ayaa waxa uu ku jawaabay in hadaladaasi ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah.

Sidoo kale hadalka afhayeenka Ciidamada daraawiishta dowladda KMG ee Soomaaliya Sheikh C/risaaq Qaylow ayaa imaanayaa xilli 48-saac ee ugu danbaysa ay dagaalo ka dhacayeen qaybo kamid ah Wadada Makka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho kuwaa oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya Ciidamada AMISOM iyo Xoogaga hubaysan ee kasoo horjeeda.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: