Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo Saakay howlgalo ka bilaabay wadada Makka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda.jpg1

Halkaan ka akhri

Qaar ka mid ah Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxay saaka Saf ballaaran oo baatitaan ah ka samaynayey, waxayna hakiyeen dhammaan isku socodkii caadiga ee wadada Makka Al-Mukarrama ee Bartamaha magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee inta lagu guda jiray howlgalkaas oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn ujeedadada dhabta ah ee loo xiray, ayaa waxaa la maqlay tiro qaraxyo ah kuwaasoo loo maleynayo in ay ciidanka ay qarxiyeen.

Wadada Makka Al-Mukarrama oo hal bowlo u ah saraakiisha dowladda KMG, ayaa sidoo kale isticmaalkeeda waxaa ay qeyb weyn ka tahay adeegyada bulshada, maadaama ay xilligan xiran yihiin inta badan wadooyinka kale.

Sida la wada ogsoon yahay wadada Makka Al-Mukarrama waxaa la xiraa markii ay ku socdaalayaan saraakiil dowladda KMG ah si loo xaqiijiyo ammaankooda, waxaana xirma dhaq dhaqaaqyada caadiga ee gaadiidka iyo dadweynaha ee wadadaasi isaga goosha.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: