Xoghayaha guud ee Ururka Mu’tamarka Islaamka oo ku baaqay in Dagaalada la joojiyo Ramadaanka.

mutamar

Halkaan ka akhri

DR. Akmalu Diin Ixsaan Oogle oo ah Xoghaya Guud ee Ururka Mu’tamarka  Islaamka ayaa ugu Baaqay Dhamaan Dhinacayada Soomaalida inay Xabada Joojiyaan intalagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan taas oo leys amray in kor loo qaado iscafinta iyo Heshiinta.

Sidoo kale Bayaan ka soo Baxay Ururkan ayaa Oogle ku Adkeeyey inay laga Maarmaan tahay in la joojiyo Dilalka iyo Barakicinta Dadka Rayidka ah ee aan Waxba Galabsan isagoo Sheegay ahmiyada ay leedahay in la galo Wadahadal Dhab ah si loo  Gaaro Heshiis soo afjara Dhibaatada Soomaaliya ee Waqtigeedu dheeraaday.

Xoghayuhu ayaa sidoo kale Carabka ku adkeeyey hadii ay Dhinacyada Soomaalidu Aqbalaan Baaqiisa ah in Xabada la joojiyo Bisha Barakeysan ee Ramadaan in shacabku Amni Helidoonaan  isla markaana kaalmooyin ka heli doonaan Hey’adaha Dadka Saacida.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Xoghayuhu uu Cusbooneysiiyeysiiyey in Ururkiisu sii wadi doono Dadaalkeeda iyagoo Kashayana Beesha Caalamka si ay ugu saacidaan Dhinacyada Soomaalida ka miradhalinta Musaalaxada iyo soocelinta Nabad Waarta.

Isha Warka: Wakaalada Warka Muna

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: