Sheikh Xasan Dahir Aweys oo sheegay in Bisha Ramadaan ay dagaaladu sii soconayaan oo ay ku jiraan goolo iyo Nasriga Ilaahay.

sh. xasan dahir3

Halkaan ka akhri

Shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho maanta Gudoomiyaha Ururka Xizbul Islaam Sheikh Xasan Dahir Aweys ayaa sheegay in dagaalada sii soconayaan Bisha Ramadaan ay tahay Bil Cibaado lagana helaayo Ajar iyo Khayr badan.

Sheikh Aweys ayaa sheegay in guulo ay ugu jirto sii socoshada dagaalada Bisha Ramadaan, Sisaas darted loo baahan yahay in la xoojiyo,  lana adkeeyay in dagaalada aanay marnaba joogsan doonin,waayo waxa lala dagaalamayana ay yihiin Cadawga Ilaahay, lagana guuleysan karo Cadawgaas.

Gudoomiyaha Ururka Xizbul Islaam Sheikh Xasan Dahir Aweys  ayaa  been abuur ku tilmaamay warar maalmihii la soo dhaafay la isla dhex marayay oo sheegayay in wada hadal u socdaan iyaga iyo Dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha u yahay Sheikh Shariif.

Sheikh Xasan Dahir ayaa shuruud kaga dhigay wada hadal ay la galaan Dowladda in marka hore dalka ka baxaan Cadawga soo duulay oo uu sheegay in aan xal la gaarin karin ilaa ay dalka ku sugan yihiin.

Mar uu ka hadlay qorshayaal soconaya oo ku aadan sidii loo mideyn lahaa Ururkiisa iyo Xarakada Alshabaab ayuu sheegay in meel wanaagsan ay marayaan dhowaana ay midoobi doonaan.

Si kasta ha ahaatee hadalka Sheikh Xasan Dahir ayaa imaanaya xilli Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr, C/qaasim uu sheegay inuu wada hadal ka dhex wado Madaxweyne Sheikh Shariif iyo Sheikh Xasan Dahir.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: