Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid oo sheegay in magaalada Gaalkacyo laga furay Xafiiskii waaxda Socdaalka.

Somali Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke

Halkaan ka akhri

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo wali ku sugan Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug ayaa kaga dhawaaqay in laga furay Koofurta Galkacyo Xafiiskii Waaxda Socdaalka.
Sidoo kale Dr, Cumar C/rashiid ayaa shalay kula kulmay Koofurta Galkacyo  ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in maanta iyo wixii ka dambeeyay laga furay Koonfurta Galkacyo Xafiiskii Socdaalka Dowladda.
Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Kulan uu kula qaatay Koonfurta Galkacyo Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ayaa waxa u cadeeyay in Xafiiska Socdaalka uu si rasmiga uga howl galayo, isla markaana uu qabanayo howlihii lagama maarmaanka ee bulshada ee ku aadanaa dhanka socdaalka.

Hase yeeshee Saraakiisha Maamulka Galmudug ayaa si diiran u soo dhoweeyay tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay mid horu mar ah, maadaama loo fududeeyey arrimaha socdaalka iyo qaadashada baasaboorka E-Passport ee ay soo saarto dowlada KMG Somalia.
Si kasta ha ahaatee Maamulka Puntland ee ka arimiya Waqooyiga Galkacyo ayaa diiday in Hal Xafiis laga hirgeliyo Magaalada, waxaana ay ku cataabeen in aanay aqbaleyn arrintaas oo ay cambaareynayaan, balse magaalada Galkacyo ayaa u kala qeybsan labo qeybood oo ka jira Labo Maalmood waxaana magaalada tahay mid leh Qad Cagaaran oo maamul walba iskiis uga howl galo labada gedi.

SomaliSwiss    Gaalkacayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: