Wasiiradda cadaaladda iyo Boliiska Switzerland oo booqasho ku soo kala bixisay qaar kamid ah Xerooyinka diiwaangelinta Qaxootiga.

 Halkaan ka akhri

 Berna-  Wasiiradda cadaaladda iyo Boliiska ee dalkan Swizerland Eveline Widmer-Schlumpf  ayaa waxay booqasho ku soo kala bixisay qaar ka mid ah Xerooyinka diiwaangelinta dadka Qaxooti doonka ee ku kala yaala qaar ka mid ah Kgobolada dalkan Switzerland.

Marwo Eveline Widmer  ayaa waxay soo booqatay ku tagtay Xerooyinka Diiwaangelinta Chiasso, Kreuzlingeka iyo Altstätten, halkaas ayaa waxay  kula kulantay Ma’uuliyiinta Kantoonada Arguer, Ticino iyo Zürich iyo Madaxda Xerooyinka Diiwaangelinta.

Wasiiradda Caddaalada iyo Boliiska iyo Mas’uuliyiintii ay la kulantay waxay ka wada hadleen Xaaladda Guud howlaha Kantoonadaas iyo sida ay u socdaan shaqooyinka diiwaangelinta dadka qaxooti doonka ah ee ku jira Xerooyinkaasi, hase yeeshee waxaa la sheegay in kulamadaas ay ku dhamaadeen is af-garad.

 SomaliSwiss Bern

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: