Tareen kamid ah tareenada kadhex shaqeeya Switzerland oo fariinka laga waayay oo ay dad rakaab ah ku waxyeeloobeen magaalada Zurich.

treen.jpg4

Halkaan ka akhri

Tareen kamid ah tareenada isaga goosha Gobolada dalkan Switzerland oo isla markaa ka yimid Kantoon Basel ayaa si lama fillaan ah waxaa uu darawalkii Tareenkaasi waayey Fariinkii, sdaas darteed Tareenka oo si xowli ah ku socday ayaa waxaa uu soo dhex galay mid ka mid ah boosteejooyinka ay ku soo xirtaan Tareenada, kadibna uu si xooggan ugu dhacay Biraha loogu talagay inay Celiyaan marka ay timaado arrimo la mid ah Shilalka noocan oo kala ah.

Sida la sheegay dhawaaqa iyo Guuxa  ka baxay shilka Tareenkaasi ayaa dadkii joogay Saldhigga dhexe ee Tareenada ee magaalada Zürich ay ku kala carareen, hase ahaatee Tareenkii ayaa istaagay,, balse rakaabkii la socday qaar ka mid ah ayaa waxaa nasiib wanaag soo gaaray dhaawacyo fudud.

Dhacdada Shilkan ayaa isla markiiba waxaa lagu dhaqaaqay sidii loo baari lahaa sababihii dhaliyey shilkaasi iyo sida Fariinka looga waayay, hase yeeshee Hay’adda Tareenada ayaa sheegtay in waxyeelada Maadiga ah ay aad u yareed.

SomaliSwiss Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: