Saraakiishii hore ee Xoogga dalka oo soo saarey Bayaan ay ugu Jawaabayaan Gen. Maxamed Nuur Galaal.

Cali Samatar

Halkaan ka akhri

Bayaan kasoo baxay Xiriiriyaha Shirka Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa u qornaa sidan.

Isniin, August 17, 2009: Wareysigii uu Gen. Maxamed Nuur Galaal siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, oo uu kaga faaloonayay shirkii la xiriiray arrimaha Amniga oo Saraakiisha Ciidamada hore ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada Washington, DC, taariikhdu markay ahayd Agoosto 10, 2009 ayaa ku noqday fajiciso iyo amakaab runta ka fog.

Waxaa ugu horeynta xusid mudan, in ujeeddada Wasaaradaa Gaashaandhigga D.K.M. iyo Xafiiska Qaramaha Midooway u qaabilsan Soomaaliya ay u abaabuleen shirkan uu ahaa iney Saraaakiisha CQS ay talo ka bixiyaan sidii xasilooni iyo nabad looga soo dabaali lahaa dalka, siiba Koonfurta Soomaaliyeed oo 20kii sano ee lasoo dhaafay xasilooni daro ka jirtay.

Saraakiishu waxay is waydiinayaan, Gen. Galaal markee buu runta sheegay? Ma markuu joogay madasha shirka kana mid ahaa xubin firfircoon oo saaxiibadii la wadaagay xog- iswaydaarsiga, talada iyo goa’aanadaba, mise markuu BBCda ka hadlayey?

Saraakiisha waxay nasiib darro wayn ay u arkaan in Gen. Galaal qof-ahaantiisa uu isburinayo maadaama uu canbaaraynayo talooyinkii iyo go’aanadii uu wax ka go’aamiyay.

Dadweynaha Soomaaliyeed, si ay xog-ogaal buuxa ugu noqdaan, waxaan u sheeegeynaa qodobbada soo socda:

Saraakiisha lagu martiqaaday shirka waxay ka kala yimaadeen Qurbaha iyo dalka Gudahiisa. Qaabka lagu soo xulay ka-qeybgalayaasha waxa ay ahayd: Iney yihiin Sareeyayaal, ama ay hayeen xilalka sida: Madax Hogaan ee Taliska Guud, Taliye Qeyb, iyo Taliye Noocyada Ciidamada.

Saraakiisha shirka yimid waxey kulligood ahaayeen kuwa aqoon iyo qibrad u leh hogaaminta iyo howlgelinta Ciidamada, tababarista iyo taakuleynta Ciidanka. Nasiib-darro, saraakiil ka mid ah kuwa lagu martiqaaday shirka wey kasoo qeyb geliwaayeen “VIISA” la’aan iyo shaqo awgeed.

Cabashada uu Gen. Galaal kasoo jeediyay inuu wax war uusan u heyn waxa shirka looga hadlayay waa mid aan waxba ka jirin, maadaama warqaddii martiqaadka uu Wakiilka Qaramaha Midoobay, Danjire Axmadou Oulad Cabdalla u diray ka-qeybgalayaasha shirka ay si cad ugu xusneyd in looga hadli doono Arrimaha Amniga.

Isla warqadaas waxaa qof waliba looga codsanayay inuu soo xaqiijiyo oggolaashaha martiqaadka iyo kasoo qeybgalkiisaba si kharajka nooliga loogu diro halka uu joogo. Sidaas darteed, Gen. Galaal wuu ogaa mowduuca shirka, waxeyna u ekeyd haddii uu su’aalo cadeysi ah uu qabo inuu weydiiyo cidda isagaas martiqaaday intuusan weli oggolaan martiqaadka loo fidiyay.

Waxaa kaaloo xusid mudan, in Gen. Galaal uu joogay Nairoobi oo ah xarunta Xafiiska Qaramaha Midoobay ee qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo martiqaadka fidiyay.

Malo-awaalka Gen. Galaal ee ku aadan inuu shirqool iyo dibindaabyo uu la kulmay, waa mid aan sal iyo baar laheyn oon marnaba micno samayn karin, sababaha soo socda awgeed:

Gen. Galaal wuxuu ka mid ahaa saraakiishii Wasiirka Gaashandhigga Dowladda KMG Prof. Gaandi u xilsaaray iney ka wabixinta Xaaladda Amniga oo Soomaaliya ku sugan tahay.

Sidaas darteed Gen. Galaal wuxuu ahaa qofka waqtiga ugu badan madasha shirka ka hadlay, maadaama uu ahaa shaqsiga muddada ugu dheeer joogay dalka gudahiisa siiba Xilligii Dagaaalada Ahliga, Xilligii Mooryaanimada iyo kii Talisyadii Dagaal-Ogayaashaba (Warlords-Era).

Inta shirka uu socday, Gen. Galaal wuxuu madax ka ahaa mid ka mid ah afartii guddii oo ka-qeybgalayaasha shirka loo qeybiyay si ay usoo lafa-guraan ajendaha shirka.

Wuxuuna fadhiga gaarka ah iyo fadhiyada loo wada-dhan-yahayba, kasoo jediyay warbixinta Guddigiisa, wuxuuna aragtidiisa shaqsiga ah haddii ay noqon laheyd su’aal, faaloo iyo taloo ku kordhinba usoo bandhigay Guddiyada kale.

Sidoo kale, Gen. Galaal wuxuu goob joog ka ahaa shirka loo-wada-dhan yahay oo lagu ansixiyay Baaqii Sarakiisha Ciidamada Qalabka Sida ay usoo jeediyeen Dawladda, Caalamka iyo Dadweynaha Soomaaliyeedba.

Waxaa nasiib darro ah in Gen. Galaal, uu si ula-kac-ah u garab maray runta iyo waaqicinimadaba, maxaa yeelay, waa waxba kama jiraan ah arrinta uu ku tilmaamay in la qorsheynayo “Weerar laga soo qaaadayo Lowyacadde ilaa Xuduudda Kiinya oo la rabo in lagu xasuuqo dadweynaha.”

Fekerkaasi wuxuu si cad u qilaafsan yahay Baaqii Saraakiisha CQS ay ka soo saareen shirka kaddib kaasoo si cad u tilmaamayay Xaaldda Soomaaliya, siiba Gobollada Koonfureed oo haatan dabka ka holcayo aan xallinteed “marnaba loo adeegsan karin qori caaradii, balse loo baahan yahay in qilaafaadka lagu xalliyo wadahadal, tanasulaad iyo is-afgarad”.

Sidaas darteed, saraakiisha si cad ayay u cambaareyneynaa fekerka gurracan ee Gen Galaal saxaafadda u adeegsaday oo aan is leenahay wuxuu doonayaa inuu ku lab-kiciyo dadka Reer Soomaliland iyo Puntland oo nabadda ku nool.

Dhaliilalaha uu Gen. Galaal kasoo jeediyay qaab-dhismeedka ciidamada waa mid aan waxba ka jiraan, wixii talooyin ahaana sida isaguba ka warqabo, waxaa loo gudbiyay Wasiirka Gaashandhigga DKG. Hirgelinta talooyinkaasi waxey ku xiran tahay rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed iyo taakuleynta Beesha Caalanka. Saraakiisha C.Q.S. waxey diyaar u yihiin iney ka qeyb-qaataan waajibka kaga aadana qadiyadda dalkooda Soomaaliyeed.

Arrimaha la xiriiray dumistii Qaranka iyo Ciidankii XDS oo ajendaha ka mid ahaa, si buuxda oo xamaasad leh ayaa arrintaas looga dooday, waxaana ugu dambeynta leysku raacay layskuna af-gartay in aan dib loo eegin wixii dhacay loona daayo taariikhda, haddase loo baahan yahay in daruusteeda wax laga barto loona jiheysto mustaqbalka iyo sidii dalkeena loo badbaadin lahaa.

Waxaa la yaab leh inuu Gen. Galaal uu ku xadgudbay sharafta sarkaalnimada isagoo eedo iyo cambaareen oo aan sal iyo raadba aan laheynuu uu u geysanayo ka-qeybgalayaashii shirka. Waxaan nahay saraakiil aaminsan Ku-dhaqanka Sharciga (Rule of Law), waxaana diidanahay “Ku-tiri-kuteenta.”

Sidaas darted, waxaan danuubtii dalka laga galay u deyneynaa Hey’adaha Garsoorka (Judicial Systems) iyo Hogaanka Siyaasadeed marka Qaaranimada Dalka ay si buuxa usoo noqoto.

Waxaana anagoo ku kalsoon hab-dhaqanka Maxmadda (legal procedures) ka sugeynaa Xeer-Ilaalinta arrintaasi qaabilsan inay soo hordhigi doonto Maxkadda marag-muujin cad, Maxkamaduna ay gaaari doonto Garsoor cadaalad ku dhisan.

Waxaanse xusuusineynaa Gen. Galaal in inta Dowladnimadu jirtay, saraakiishii madasha shirka joogtay ay ahaayeen saraakiil caadi ah oo gudanayay xilkooda dastuuriga ee ku aadan Badbaadinta Qaranimada Soomaaliyeed.

Gen. Galaalse wuxuu Xilligii Dowladda Qaranka jirtay uu ka hayay dalka mas’uuliyad siyaasadeed oo sare sida: Wasiirka Howlaha Guud, Wasiir-ku-xigeen Gaashaandhigga, Xubin Golaha dhexe ee Xisbiga, Xubin Golaha Shacbiga iyo Madaxa Guddiga Joogtada ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, sidaas darted, haa u diyaar garoobo mas’uuliyadda kaga aadan haddii ay noqon laheyd ficil- toosa-ah iyo mid-dadbanba (Action or omission).

Waxaan mar kale ugu baaqeynaa umaddda Soomaaliyeed iney dareenkooda ku jiheeyaan siddii dalkeena loogu soo dabaali lahaa Xasilooni iyo Nabad loona soo celin lahaa karaamada iyo sharafta Umadda Soomaaliyeed oo haatan dhulka taalo lagana waantoobo kutiri kutaynta iyo been abuurka.

Soomaaliya Ha-Noolaato
Sareeye Guuto Maxamed Saalax Axmed
Xiriiriyaha Shirka Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: