Sarkaal ka tirsan hay’adaha samafalka oo Xalay toogasho lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho.

Qaxooti

Halkaan ka akhri

War aan saaka aan ka helnay wakiilka SomaliSwiss ee magaalada Muqdisho in Koox hubaysan ay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsan hay’ad ka shaqeysa samafalka, Daryeel Bulsho Guud (DBG), deegaanka tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dhamme Maxamed Carraaye ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Walaalkiis Cumar Sheikh Cali Calasow (Fiyaasko) uu geeriyooday, wuxuuna ka warbixiyey in Walaalkiisa mar uu ka noqday ciidanka xoogan Soomaaliyeed ee xiligaas oo dalka jirtay xukuumaddii dhexe.

Marxuum Cumar Fiyaasko, ayaa la sheegay waqtiyadii ugu dambeysay ee noloshiisa in uu ku guda jiray howlo ganacsi iyo xubina uu ka ahaa hay’adda DBG.

Hase yeeshee lama oga sababta loola beegsaday dilka iyo cidda ka dambeysa, waxaase lagu dilay meel aan ka fogeyn xarun ay hay’adda degan tahay oo ku taala deegaanka Tareedisho, ee duleedka Muqdisho.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: