Ciidamo xoogan oo uu horkacayo Xilibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo Saaka la wareegay gacan ku haynta degmada Beled Xaawo.

barre hiiraale

Halkaan ka akhri

Ciidamo aad u fara badan oo uu horkacyo xilibaan Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa saaka waxaa ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Ciidamadan ayaa lasheegay in ay ahaayeen kuwa uu dhawaanahan tababar uga socday xuduuda Soomaaliya iyo Ethiopia, kuna sugnaa Degmada Doolow ayaa saaka u soo talaabay Degmada Beledxaawo halkaasina qabsaday.

Xoogagii Al-Shabaab ee ku sugnaa degmada Beledxaawo ayaa lasheegay in ay gabi ahaamba isaga bexeeen magaalada, iyadoo aan wax dagaal ah ka dhacin.

Ciidamadan uu hogaaminayo Barre Hiiraale ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku dagaal galayaan magaca Ahlu Sunna Wal Jameeca.

Ciidanka xilibaan Barre Aadan Shirre Hiiraale ayaa waxaa ay yihiin Maleeshiyaad beeleed ku abaabulan magaca dariiqada Suufiyada ee Ahlu Sunna Wal Jameeca, kuwaas oo gacan Militeri ka helaya Dowlada Ethiopia oo dib u abaabushay maleeshiyaad beeleed ku abaabulan magac Ahlu Sunna Wal Jameeca, kuwaas oo inta badan la dagaalama xoogagga Al-Shabaab iyo Xizbul Islaam.

SomaliSwiss Beled Xaawo

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: