Wasiirka Arimaha dibedda dowladda Djibouti oo sheegay in goor dhow Ciidamo ay usoo dirayaan dalka Soomaaliya.

Djibouti troops

 Somali & English

Halkaan ka akhri

War lagu soo qoray Wargeyska Newvision ee kasoo baxa Dalka Uganda ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda  Djibouti ay Goordhaw ku soo Biiri doonaan Ciidamada kale ee nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee (Amison) ka jooga dalka Soomaaliya, Sida Ciidamada Uganda iyo Burundi ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Wargeyska ayaa waxaa uu intaasi raaciyey in Wasiirka Arimaha Dibada dowladda Djibouti Maxamed Cali Yuusuf uu Toddobaad joogi doono magaalada Kampala ee dalka Uganda, si ay isula lafaguraan isaga iyo dhigiisa Sam Kutesa, sidii loo habayn lahaa Ciidamadan cusub ee loo dirayo dalka Soomaaliya.
Khamiistii la soo dhaafay ayaa Afahayeen u hadlay Wasaarada Arimaha Dibada dalka Uganda oo magaciisa la yiraahdo Sam Guma, ayaa sheegay in dowladda Djibouti ay ogolaatay in ay Ciidamo u dirto dalka Soomaaliya, balse ma uusan sheegin tirada Ciidan ee ay dirayaan”.
Labada Wasiir waxay ka wada hadleen sidii dowladda Djibouti ay uga qeyb qaadan lahayd garab istaagida dowladda KMG Soomaaliya iyo  Ciidamada Uganda iyo Burundi oo ah Ciidamada Nabad ilaalinta ee ku sugan dalka Soomaaliya” sidaas waxaa yiri Afahayeenka.
Balse ma cadda ilaa iyo hadda xiliga ay Ciidamadaasi imaan doonaan dalka Soomaaliya, iyada oo Ciidamo ka badan 5 kun oo askari oo ka kala socda dalalka Uganda iyo Burundi ay iminka ku suganyihiin caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Sida la sheegay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa waxay  si wada jir ah u wadaan in ay Ciidamo ka badan inta hadda ku sugan dalka Soomaaliya soo gaarsiiyaan, si ay u kaalmeeyaan dowladda KMG Soomaaliya, ugana hortagaan Xoogaga Islaamiyiinta ah ee doonaya in ay la wareegaan Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
SomaliSwiss    Kampala

SomaliSwiss@hotomail.com

Djibouti to deploy troops in Somalia Djibouti’s foreign affairs minister Mahomoud Ali Youssouf was in Kampala …

DJIBOUTI soldiers will soon join their Ugandan and Burundian counterparts on the African Union peacekeeping mission in Somalia.
Djibouti’s foreign affairs minister Mahomoud Ali Youssouf was in Kampala this week to discuss the arrangements with his Ugandan counterpart, Sam Kutesa.
The ministry’s spokesperson, Sam Guma, on Thursday said Djibouti agreed to send troops but did not commit herself to the numbers.“The ministers explored the possibility of Djibouti contributing towards supporting the Ugandan and Burundian troops that are already keeping peace in Somalia,” he said.

There are 4,300 peace-keepers in Somalia, of whom 2,700 are Ugandan.

The Uganda Government has continuously called upon other AU members to deploy in Somalia.

Uganda is in Somalia on behalf of the AU and the United Nations Security Council, on a peacekeeping mission.

Kutesa said without control of Somalia, extremists would traffic arms through the country, threatening the region’s stability.

Source: New Vision

SomaliSwiss@hotomail.com

%d bloggers like this: