Dhaawacyadii ciidamada Libya ay u geysteen Tahriibayaal Soomaali oo ku xir xiran Xabsiga magaalada Banqaazi oo sawira laga soo qaaday.

Maxaabiistii_libya

Daawo Sawirada kale

Halkaan ka akhri

Ciidamada dalka Libya ayaasi xun dhaawacya ugu geystey Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran Xabsi lagu magacaabo kanfuda kaasoo ku yaala Magaalada Banqaazi ee dalkaasi Libya xili ay doonayeen in ay halkaasi ka baxsadaan.

Sawiradaani oo dhalinta looga soo qaaday iyagoo dhaawacooda la jifa ayaa waxaa suurta gashay in lagu soo qaado Taleefanada gacanta lagu qaato   Maadaama aan la awoodin in Kaamirooyin lagu soo qaado sawiradaasi.

Axmed C/laahi Axmed oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiga Banqaasi ayaa Idaacada Shabelle u sheegay in dadka ay laayeen ciidamada Ilaalada ka ah Xabsigaasi ay gaarayaan 20 halka dhaawacuna uu ka badanyahay 60-rux kuwaasi oo haatan ku xanuunsanaya gudaha Xabsiga.

Waxaa uu sidoo kale sheegay wiilkaasi in dadkii dhaawacmay ma’ahen kuwa kale la qabadsiiyay koronto halka kuwa kalana uu sheegay in lagu garaacay midiyo.

Maalintii Isniinta aheeyd ee Taariiqdu ay ku beegnayd 11-08-09 ayaa la sheegay in ciidamada Ilaalada ka ah Xabsi ku yaala dalka Liibiya gaar ahaan Magaalada Banqaasi ay dileen dhalinyaro fara badan iyadoo taaso ay beenisay Safaaradda Liibiya ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Liibiya.jpg1Liibiya.jpg2liibiya20liibiya01Liibiya.jpg4Liibiya.jpg3Liibiya

Source: Shabelle

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: