In kabadan illaa 20 Tahriibayaal Soomaaali ah oo lagu dilay xabsi ku yaal dalka Libya gaar ahaan kan magaalada Banqaazi.

tahribayaal soomaali

Halkaan ka akhri

Waxaa isa soo taraya dhibaatada lagu hayo Tahriibayaalka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Libya, waxaana shalay lagu dilay xabsi ku yaal magaalada Banqaazi illaa in kabadan 20 qof oo Soomaali Tahriibayaal ah, waxaana dhaawac uu soo gaaray illaa  iyo 50 kale.

Dhibaatadan ayaa dhacday kadib markii ay maxaabiis Soomaali ah ay isku dayeen in ay ka baxsadaan xabsiga taas oo keentay in rasaas noolnool lagu furo oo qaarna layaayo qaarna la dhaawoco.

Askarta dalka Libya ayaa iyagu Shacabka Soomaaliyeed ula dhaqma kuwo adoomo ah iyaga oo dilka maxaabiista qaarkood ku dilay mindiyo, waxaana isbitaalka la dhigay tiro maxaabiis ah oo uu dhaawacoodu halis yahay.

Mid ka mid ah Maxaabiista oo ayaa sheegay in askarta Libya ay jirdil kula kaceen maxaabiista kana joojiyeen cuntada iyaga oo sidoo kale kufsi kula kacay gabdhaha Soomaalida ah ee xabsiga kujiray.
 
Xabsiga Banqaazi ayaa waxaa ku xiran maxaabiis gaaraysa illaa 340 rag ah iyo 58 dumar ah taasoo guud ahaan noqoneysa 398 Maxbuus.

Umada Soomaaliyeed ayaa waxaa haysta imtixaan alle iyaga  oo ku dhibaataysan meel kasta, kuwa badaha lagu shubayo, kuwo madfac uu xasuuqayo, kuwa gaajo iyo qax lataacdaran iyo kuwo carab ay gumeysanayso mana jiraan cid u jiir naxaysa amaba u maqan.

Balse waxaa uu alle la xisaabtami doonaa cidii sababtay in ay qixiyaan dadka rayidka ah ee cirdigoodii iyo naftoodiiba la baneystay, kuwaas oo wili hamuun u qaba xukun iyo dagaal aan natiijo lahayn kuna saleysneyn manhaj sax ah.

SomaliSwiss Banqaazi Libya

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: