Wasiirka arr. dibadda Talyaaniga oo shaaca ka qaaday in si shuruud la’aan ah ay Burcad badeeda kusoo daayeen Markabkooda.

Frattini.jpg1

Halkaan ka akhri

Sida lagu soo warramay waxaa shalay Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay sii daayay Markab laga leeyahay dalka Talyaaniga, ka dib markii ay afar bilood afduub ugu haysteen biyaha dalka Soomaaliya.

Markabkan oo shalay la sii daayay ayaa waxaa dul saaran shan iyo toban shaqaale u dhashay dowlado kala duwan kuwaasoo dib u helay xoriyadooda.

Franco Frattini oo ah Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Talyaaniga ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay sii daynta Markabkan, wuxuuna cadeeyay in aanu jirin wax lacag madax furasho ah sii dayntaas lagu bixiyay.

Franco Frattini ayaa intaasi ku sii daray  in sii daynta Markabkan  ay qeyb ka qaateen sirdoonka Mareykanka iyo dowladda KMG ee Soomaaliya.

Waxaa haatan lagu waramayaa in Burcad badeeda ayaa ay gacantooda ku jiraan shan iyo toban(15) Markab ay leeyihiin dowlado shisheeye, waxaana jira walaac laga muujinayo in ay xoojiyaan burcad badeeda weerarada ay ku qafaalanayaan Maraakiibta shisheeye.

SomaliSwiss    Roma

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: