Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada.

Sheikh Shariif sh.jpg2

Halkaan ka akhr

Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay safarkii uu ku tagay Nairobi iyo kulamadii uu halkaas ku soo qaatay.

Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ugu horeyn sheegay in Kulamadaas ku soo dhamaadeen Guulo, ayna rajeynayaan inay natiijo wanaagsan ka soo baxaan Kulamadii uu kula qaatay Nairobi Xoghyaha Arrimaha Dibada Mareykanka Hillary Clinton.

Madaxweyne Shariif oo kulamadaas ka hadlayey ayaa wuxuu  muujiyay yididiilo wanaagsan waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Dhamaan Kulamadaas way guuleysteen, waxaa jira kulamo aan la qaadanay Safiirada Midowga Yurub u fadhiy Nairobi”.
Sidoo kale Madaxweyne Shariif ayaa qiray in dalka ay joogto Al-Qaacida ayna dooneyso inay fuliyaan awaamiirtii Usama Bin Laden iyo baaqii ahaa in lala dagaalamo Dowladiisa.

Sheikh Shariif ayaa sheegay in Al-Qaacida aanay dooneyn Qaranimo soomaaliyed, waxaana uu ku eedeeyay inay calankii soomaaliyed ku badaleen calan kale oo an la aqoon.

Dhanka kale Sheikh Shariif  wuxuu Kooxaha Mucaaradka ugu baaqayo inay Hubka dhigaan oo ay ka waanatoobaan khaladaadaha ay Ummadoodooda ka galeen, waxaana uu cadeeyay in dhalinyaro iyo caruur badan la marin habaabinaya, mustaqbalkoodana la lumiyey.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: