RAJO-INTEGRATION PEACE & DEVELOPMENT FOR SOMALIA oo ku guuleystay in ay Soomaalida u Sharciyeyso dirista Lacagta Xaawaaladaha.

P6050194

Halkaan ka akhri

P6050194
Ururka “RAJO-Integration, Peace & Development for Somalia-RAJO-IP&DS” oo ah Urur samafal Soomaaliyeed oo ka howl gala dalka Switzerland, ayaa waxa uu guul ka soo hoyiyay dadaal uu ku howlanaa intii muddo ahba.
Sida la ogyahay, intii muddo ahba waxaa Qurba joogta Soomaalida uu culeys ka saarnaa howlaha Lacagaha Xawaaladda ee lagu gargaaro ummadda Soomaaliyeed sidii loo gaarsiin laha qoysaskooda.
Sidaas darted Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Switzerland waxay culeyskaas kala simaneyd Qurba joogta kale ee ku nool daafaka Caalamka; maantase waa Ilaah mahaddii iyo dalaal waqti dheer uu soo waday Ururka RAJO-IP&DS, waxaa laga gudbay dhibaatadii culeyska badneyd ee ka haysatay dirista lacagaha loo Xawilaayo dadkooda.
Guddiga Fulinta Ururka RAJO-IP&DS oo aad u dareensan in howshani ay halbowle u tahay nolosha Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxay u howl galeen sidii loogu fududeyn lahaa howshan Soomaalida guud ahaan ku nool Caalanka, gaar ahaan kuwa ku nool dalkan Switzerland oo nasiib u yeeshay inay lacagahooda si cabsi ku jirin u diran karaan.
PA110132
Guddoomiyaha Ururka Rajo Abuukar Mudane Muudey oo u warramayey Wariye ka tirsan Shabakada SomaliSwiss ayaa Yiri: “Xiriirro iyo wada tashiyo oo u socday muddo dheer Guddiga Fulinta Maamulka Ururka Rajo iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalkan Swiiska, waaxdiisa u qaabilsan Caawinaada Dalalka Saboolka ah, ayaa waxaa suurto geliyay in arrinkan laga miradhaliyo, oo manta Jaaliyadda Soomaaliyedd ee dalkan Swiiska ay Si Sharci ah u xawilan karto wixii lacago ah ee ay u direyso dalka iyo meelo kalaba, iyadoo la marayo qaab sharci ah oo ay ogolaadeen hay’adaha dalkan Swiiska u qaabilsan arrimaha Xawaalada, kuwa shaqadooda ah ka hortagidda lacagaha Wasaqeysan (denaro Sporco) iyo Bankiyadaba.
Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in Ogolaashahan laga helay Hay’adaha dalkan Swiiska ee qabilsan arrimaha xawaaladaha, waxaana loo xilsaaray Shirkadda “Somali Migrant Remitance” (Money Transfer), waana Shirkadda kaliya ee sharciga ka ah ee ka jirta dalkan Switzerland.
P6050198
Sidaas awgeed Ururka RAJO-IP&DS waxaa sharaf u ah inuu ku wargeliyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan Switzerland guusha u soo hoyatay, balse sidoo kale waxaa Soomaalidu lagu wargelinayaa inay u furan tahay in Shirkadda Cusub Xawaaladaha xiriir toos ah la soo yeesheen.
Shirkadda “Somali Migrant Remitance” (Money Transfer), waxay la mid tahay Shirkada xawaaladaha ee ka jira  dalkan Swisska, balse waxay kaga duwan tahay dhinaca qaadista lacagaha Qidmadaha oo qiima jaban ay uga qaadeyso Soomaalida.
P5090164
Dhanka kale Ururka Rajo wuxuu Xawaaladleyda uga digayaa in Ururku ka mas’uul noqon doonin khalad kasta oo la xiriira isticmaalka xawaaladahooda nidaam aan sharci ahayn, waayo Ururka Rajo wuxuu horay dhabarka u dhigtay khaladaad ay galeen qaar ka mid ah Xawaaladlayda, hase yeeshee Maanta ma jiri doonto inay mar kale dhabarka u dhigtaan khaladaadkaasi iyo kuwa la mid ah, maadaama loo sameeyey Shirkad Soomaaliyeed oo sharciyeysan, una sahlayso Xawaaladahooda.
Haddaba Wakiilada xawaaladaha ee ka howlgala dalkan waxaa lagu wargelinayaa in ay adeegsan karaan adeega Sharciga ee Shirkadda “Somali Migrant Remitance” (Money Transfer), iyaga oo la soo xiriiraya maamulka Ururka RAJO-IP&DS, oo faaf-faahin ka siindoona sida ay u wada shaqeynayaan.
P5090159
Si kasta ha ahaatee Guddiga Fulinta  Maamulka Ururka RAJO-IP&DS waxaa uu jaaliyadda Soomaaliyeed u rajeynqaya in ay noqdaan, kuwii  si waxtar leh uga faa’iideysta adeega Shirkadda Cusub, kuna garab galaan Ururka hagaag u socoshada adeega ay u qabanayso Ummadda Soomaaliyeed.
SomaaliSwiss Zürich
SomaaliSwiss@hotmail.com
<span>%d</span> bloggers like this: