Gudoomiyaha gudiga ganacsatada Suuqa Bakaaraaha oo codsaday in laga joojiyo Madaafiicda lala beegsanayo Suuqa Bakaaraaha.

dheere

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha gudiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraaha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) oo Saaka u Waramay qaar ka mid Idaacadaha ka howlgela Magaalada Muqdsiho ayaa ka Hadlay Duqeyntii Arxan darada ahayd ee ay Ciidamada Gumeysiga AMISOM shalay Galinkii Danbe la Dhaceen Suuqyada Bakaaraha iyo Suuq Bacaad ee Magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Gudoomiyuhu wuxuu Tacsi u diray Dadka Rayidka ahaa ee ku waxyeeloobay Duqeyntaasi wuxuuna yiri“Marka hore waxaan Tacsi Balaaran u dirayaa aniga oo ku hadlay Magac Dadka Masaakiinta ah ee ku Ganacsada Suuqa Bakaaraha iyo Ganacsatada dhibaatadii ka soo gaartay Duqeyntii Shalay Galab ugu danbeysay oo ay Hoobiyaasha ku soo garaaceen”

Cali Dheere ayaa Cod dheer ku codsaday in Shacabka Soomaaliyeed ee Masaakiinta ah ee fara ku tiriska ah ee ku haray Suuqa Bakaaraha laga joojiyo Duqeynta, iyada mar walba oo la weeraro Ciidamada DKMG ah ama AMISOM ay Duqeyn la soo aadaan Bakaaraha iyo Nawaaxigiisa, wuxuuna yiri “Waxaan aad iyo aad u codsanaynaa in Shacabka Soomaaliyeed ee Masaakiinta ah oo fara ku tiriska ah oo ku haray Suuqaas Bakaaraha in Duqeynta iyo Dhibaatada faraha badan laga daayo oo loo naxariisto Naxariista ilaahay baa iska leh”

Sidoo kale Cali dheere ayaa Labada dhinac ee ku Dagaalamaya Caasimada ugu Baaqey inay Dhibaatada ka daayaan Suuqa Weyn ee Bakaaraha“Waxaan aad iyo aad u Codsanaynaa in Duqeynta nalaga Daayo oo Shacabka Masaakiinta ah oo ka Barakacay Deegaamadoodii ooy Bishii Ramadaan fooda inagu soo hayso u soo Tukaamaysi taga Suuq Bakaaraha oo Maalin walba Madaafiicda lagu garaacayo in laga joojiyo oo labada dhinac oo ku Dagaalamaya Caasimada inay ka dhigaan Meeshaas Dhibaabatada joogtada ah laga daayo ayaan aad iyo aad u codsanaynaa”.

Ugu danbeyntii Duqeyntii Shalay Galab la dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha oo waliba si gaar ah loola soo beegsaday xili uu aad Buuxo ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 11 qof 40 kalana waa ay ku dhaawacmeen.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: