Xaaladda magaalada Muqdisho oo saaka degan ka dib markii shalay Maqrabkii Madaafiic duqeyn ah ay ka dhaceen.

Muqdisho-gubaneysa

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaarayaa magaalada Muqdisho ayaa sheegayaa in xaaladeeda ay saaka degan tahay, ka dib markii shalay Maqrabkii ay dhaceen Madaafiic duqeyn ah, kuwaasoo qasaare lixaad leh u gasytay dad rayid ah eek u noolaa magaalada Muqdisho gudaheeda.

Sidoo waxaa Cisbitaalada Muqdisho laga dareemay inay ahaayeen mashquulsanaayeen dhawacyada badan oo waxyeeleeyey dadka Rayid ah, kuwaas oo raad xun ku reebay duqeynta ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana dhimashada ay caga cagaynaysaa ilaa (10) toban qof,  halka dhaawacanu intaas ka badan yihiin.

Waxyeelada ugu dhibka xumaa ayaa waxay ka dhaceen xaafadda Xamar Bile, Cali Kamiin iyo kuwa kale oo daris la ah goobahaas, waxaana ku hoobtay tiro madaafiic ah ayna waxyeelo kala duwan ku gaareen qoysas fara badan.

Hase yeeshee  Warku wuxuu intaas uu raacinayaa in saaka Jaawiga uu iska degan yahay, balse waxaan jirin cid wax iska weydiisay dhibaatadaasi xooga leh ee soo gaartay dadka rayidka ah, inkastoo ay qeyb ka yihiin dhibaatooyinka kala duwan ee shacabku ay ku wajahaan gudaha magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: