Hay’adda Bisha Cas ee dalka Yamen oo sheegtay in ay dalka Soomaaliya u diri doonto Koox Khuburo Caafimaad ah.

the Red Crescent

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay Hay’adda Bisha Cas ee dalka Yamen ayaa sheegtay in maalmaha nagu soo fool leh Koox Khuburo Caafimaad ah u diri doonta Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Hay’adda Bisha Cas ee dalka Yamenayaa sidoo kale sheegtay  Khuburada Caafimaadka ay ka koobnaan doonaan 5-Dhakhtar kuwaasoo ku takhasusay Qaliinka,Daawaynta Deg deg ah iyo daawaynta Cudurada Caruurta iyo Haweenka, waxaana ay Dhakhaatirtaan ka shaqayn doonaan Cisbitaalka Madiina iyagoo takhaartiirtan ay ka qeyb qaadan doonaan daaweynta dadka ku dhaawacma dagaalada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Hay’adda Bisha Cas ee dalka Yamen ay go’aansatay inay Dhakhatirta u soo dirayso Magaalada Muqdisho ka dib markii ay iyaga iyo Maamulka sare ee Cisbitaalka Madiina ay heshiis ku gaareen in Dhakhaatir la keeno Cisbitaalka.

Sidoo kale Labada Dhinac ayaa waxay heshiis ku gaareen in Hay’adda Bisha Cas ay dib u dhis ku samayso Dhismooyinka Cisbitaalka, isla markaasna wax ka bedesho, iyo in ay Cisbitaalka ku soo kordhiso qaybo cusub oo ka shaqeeya Daawaynta Bukaanada.

Waxaana ay Hay’adda Bisha Cas ee Wadanka Yamen balan qaaday in ay Dayactiri doonto ilaa iyo 25-qol oo ku yaala Cisbitaalka Dhexdiisa kuwaasoo mudo ka badan 12-sano aan la isticmaalin ka dib markii ay saamayn weyn ku yeesheen Dagaaladi ka soconayey magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Hay’adda Bisha Cas ee Yamenayaa waxay  balan qaadeen in ay 7-qof oo Soomaali ah u tababari doonaan Dhakhtarnimo,kuwaasoo lagu  tababari doonto gudaha dalka Yemen.

Sidoo kale arrintan ayaa la sheegay inay wax weyn ka tari doonta dhibaatada ka taagan isbitaalka Madiina oo ah halka ugu badan ee la keeno dhaawacyada ka dhasha dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho.

 SomaliSwiss Sanca

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: