Dadka Swisska ah ee ku nool Wadamada Dibedda oo dowladooda ka codsaday in la daryeelo, fiiro gaar ahna loo yeesho.

Consiglio degli svizzeri dell'estero

Halkaan ka akhri

LUCERNA – Dadka Swisska ah ee ku nool Wadamada Dibedda ayaa dowladooda ka codsaday in la daryeelo sidaas waxaa loogu dhawaaqay magaalada Lucerna, halkaas oo shalay Jamcaja ahayd ugu furmay Kalfadhigii 87aad ee Ururka dadka Swisska ah eeQurbaha ku nool.

Sida la sheegay Kalfadhigan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wakiilo ka kala socdo 5ta Qaaradood, waxayna tiradoodu lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 400 qof oo Swiss ah.

Kulanka ayaa waxaa la qabtaa Sanadkii mar, kaasoo loogu doodayo xaaladda guud ee dalka Switzerland, gaar ahaa  xaalada dadka Swisska ee dibadaha ku nool, hase ahaatee war horudhac ah ayaa sheegaya in Sanadkana diirada la saari doono sidii wax looga qaban lahaa baahidooda ama loo xallin lahaa dhibaatooyinka dadka dibidaha ku nool, sidoo kalena fiira gaar ah loo siin lahaa arrimahooda.

Dhanka kale dadka Switzerland ee dibadaha ku nool ayaa waxaa lagu qiyaasaa ilaa 700Kun oo qof, sidaas darteed Kalfadhigan ayaa la doonayaa in lagu lafa-guro xaaladda nololeed ee dadka qurba joogtada ah, si loo helo xuquuqda ay leeyihiin iyo in sidii ay Dowlada Federaalku ay fiiro gaar ag ugu yeelan lahayd arrimaha Qurba joogta Switzerland.

Kalfadhigu wuxuu kaloo Sanadkan uu diiradda saari doonaa ee doodaha ka mid ah, sidii loo aqoosan lahaa Xuquuqda Siyaasadeed ee Qurba joogta Swissku ay u leeyihiin inay ka mid noqdaan in la dooran karo, islamarkaasna ay wax dooran karaan.

Kulunka kalfadhigan ayaa waxaa lagu jadiidanayaa 140ka Xubnood ee ka tirsan guddiyada Fulinta ee Ururka Qurba joogtada Switzerland, waxaana la sheegay in la soo gabagabeynayo Maalinta Axadda oo berri danba ah.

Isha warka : Swissinfo

Tarjume A. Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: