Wasiirka warfaafinta Dwoladda Soomaaliya oo kawarbixiyay xiriir Warfaafineed oo dhexmaray iyaga iyo dowladda Yemen.

Somalia & Yemen

Halkaan ka akhri

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda KMG Farxaan Cali Maxamuud ayaa sheegay in uu xiriir dhex maray Wasaaraddiisa iyo mida dowladda Yemen taasoo ah in ay ka wada shaqeyn doonaan Wararka labada dalka uu baahinayo.

Farxaan Cali Maxamuud ayaa waxa uu heshiiskan ku tilmaamay mid faa’ido u leh labada dowladood hadii ay wada shaqeeyaan wasaaradahooda warfaafinta.

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa markan waxay u soo jeesatay in ay wax ka bedasho howsha saxaafadda, taasoo Wasiirka uu ku sheegay mid loogu danaynayo Wariyeyaasha warbaahinta ka howlgala.

Wasiirka Warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay hay’adaha Warfaafinta in ay iska diiwaan geliyaan Wasaaraddiisa inta bishan lagu guda jiro, hase yeeshee wuxuu sheegay hay’addii ka baaqsata in iyadu ay qaadayso mas’uuliyadda dhibaatada soo gaarta.

Warbaahinta iyo shaqaalaha ka howlgala ee gudaha dalka ayaa maamul kasta kala kulma dhaleeceen iyo amaan darro, iyadoo warbaahinta ay tahay hay’ad ka madax banaan maamulada oo si mutatawacnimo ugu adeegaya bulshada Soomaaliyeed.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: