Madaxweynaha Eritrea Isaias Afworki oo jawaab celin ka bixiyey eedeyma uga yimid Maraykanka ee la xiriira arrimaha Soomaaliya.

Afewerki

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda Eritrea Isaias Afworki oo jawaab celin ka bixiyay eedeymaha uga yimid dowladda Maraykanka, wuxuuna iska fogeeyay waxyaabihii lagu eedeeyay dowladdiisa.

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Hellary Clinton ayaa waxay eedeyn kulul oo la xiriira arrimaha Soomaaliya dusha uga tuurtay dowladda Eritrea, ka dib markii ay shalay kulan ay la qaadatay Madeaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed,.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Eritrea Isaias Afworki oo u waramayay wakaaladaha wararka ee magaalada Asmara, ayaa wuxuu eedeymahaasi ku tilmaamay borbogaando la soo dhoodhoobay oo aan waxba ka jirin.

Afworki wuxuu intaas ku daray ee uu sheegay in Eritrea ay doonayso nabad ka islaaxda gudaha Soomaaliya isla markaana ay mar walba arrintaas la garab taagan tahay ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dalka Eritrea ayaa isaguna ku tilmaamay eedeymaha ka imaanaya Dowladda Mareykanka kuwo dano gaar ah laga leeyahay.

Madaxweynaha Eritrea oo ka hadlayey eedeeymaha Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanku uu kow ka yahay burburka Soomaaliya, isla markaana uu doonaynin in nabad ka dhalato gayiga Soomaaliya.

SomaliSwiss    Asmara

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: