Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed oo gacan qaaday Hillary Clinton.

US Secretary of State Hillary Clinton (R) and Somali President, Sheikh Sharif4

Halkaan ka akhri

US Secretary of State Hillary Clinton (R) and Somali President, Sheikh Sharif4

Sidii la filayay madaxweyne Sheikh Shariif ayaa gacan qaaday Haweenayda Arimaha Dibada u qaabilsan dowladda Maraykanka Hillary Clinton, inkastoo uu sheegay in dowladiisa iyo isaguba ay ku dhaqmayaan shareecada Islaamka, oo aan qabin in raggu ay gacan qaadaan Haweenka Ajaanibta ka ah.

Inta Badan madaxda dowladaha Islaamka ayaa iyagu caada ka dhigtay in ay gacan qaadaan Haweenka Ajaanibta ah iyagoo ku saleynaya in ay u salaamayaan dana gaar ahaaneed oo kala dhaxeysa dowlad kale.

Madaxweynihii hore Dr. C/Qasim Salaad Xasan oo horay u diiday inuu gacan qaado haweenaydii Safiirka ka ahayd Jabuuti xiligii halkaasi lagu doortay, kadibna ay albaabada ka laabteen dowladaha reer Galbeedka, iyagoona ku tiriyay in uu yahay nin mayal adag.

Madaxweyne Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa Shalay la kulmay haweenayda arimaha dibada u qaabilsan dowladda Maraykanka Hillary Clinton.

Sheikh Shariif iyo Hillary Clinton waxay ka wada hadleen xaalada geeska Afrika iyo sida loo badbaadin karo dowladiisa, waxayna sheegtay Hillary Clinton in dowladda Obama ay ka go’an tahay in ay taageerto dowladiisa.

Hillary Clinton waxaa ay intaasi raacisay in Maraykanku uu sii wadi doono taageerada Militari ee uu siiyo dowladda Soomaaliya, waxayna ku eedaysay Ururka Al-Shabaab in uu ka wado dhibaato dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: