Kooxda Al-Shabaab oo isaga guuray goobihii ugu dambeeyay ee ay difaaca uga jureen mag. Muqdisho.

Halkaan ka akhri

 

Ururka Xisbul Islaam ayaa wada qorshayaal ay uga baxayaan jiida hore ee dagaalada Muqdisho, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay shalay ka bexeen labadii goobood ee ugu dambaysay ee ay difaaca uga jireen.

Labadaan goobood oo kala ah Hotel Global ee degmada Kaaraan iyo Hotel Taleex ee degmada Hodan ayay ka guureen maleeshiyaadkii Al-Shabaab, waxayna dantu ku qasabtay kooxda Xisbul Islaam in ay buuxiyaan goobahaasi, balse aysan tabar u laheyn in ay buuxiyaan goobahaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horay u sheegtay in ay badaleen qorshahooda dagaal, ayna hada bilaabeen in ay dib uga gurtaan goobaha dagaalka iyagoo ka cabsi qaba in ciidamad AMISOM ay dagaalka soo gali karaan waqti walba.

Kooxaha Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ku heshiin waayay qorshe midaysan oo ay kusii wada socon karaan ayaa beryahan dambe waxa ka dhexeeyay is-aamin la’aan sababtay in awoodoodii ay yaraato.

Sida lagu wado waxaa soo dhawaaday howlgaladii ciidamada Amisom ay damacsanaayeen in ay ka bilaabaan magaalada Muqdisho iyo Afgooye, waana sababta keentay in kooxda Al-Shabaab ay dib uga gurto goobihii dagaal ee ay difaaca uga jireen.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: