Dowladda Mareykanka oo shaacisay in ay Hub gaaraya illaa 80 Tan ay siinayso dowlada KMG Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Masuul ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee dowladda Mareykanka oo diiday in la shaaciyo magaciisa ayaa sheegay in dowladiisa ay siin doonto Dowlada KMG Soomaaliya hub gaaraya 40 illaa 80 Tan.

Masuulka ayaa sheegay in dowladda KMG Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka ay ku heshiiyeen in lala dagaalamo Argagixisada ku sugan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Ahmed ayaa shalay kulan la qaatay xoghayaha arimaha dibada ee dowladda Mareykanka Hillary Clinton, iyada oo u balan qaaday in dowlada Sheikh Shariif ay la garab istaagi doonto hiil iyo hooba.

Hillary Clinton ayaa sidoo kale u balan qaaday in ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya ay siinayaan tababar, kaasoo ay sheegtay in ay kusiinayaan saldhigooda Military ee ay ku leeyihiin dalka Jabuuti.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa ku sugan ilaa 17000 askari oo Mareykan ah, iyaga oo halkaasi ka diyaarsha qorshooyinka lagu dilayo hogaanka sare ee Al-Qacida ee ku sugan Afrika ama Bariga Dhexe iyaga oo dilay wadaad lagu tirin jiray in uu yahay hogaanka Al-Qacida ee dalka Yemen oo la oran jiray Abu Xaaris Al -Nashiri.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Ahmed ayaa haatan u muuqda cadaawada uu u qaaday kooxaha xabada ka joojin waayey ay gaarsiisay in uu kaalmeysto cadawga ugu weyn islaamka.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: