Axmed Walad Cabdalla oo si diiran usoo dhoweeyay kulanka Hillary Cilinton iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed ee Nairobi.

Ahmadou Ould

Halkaan ka akhri

Ergayga gaarka ee Q.M ugu qaabilsan Arimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla oo ayaa xalay soo Dhaweeyay kulankii ay Shalay wada Yeesheen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Hillary Cilinton, wuxuuna sheegay inuu kulankaasi xoojinayo Hindisaha Nabada Gobolka iyo Degenaanshaha Soomaaliya.

Axmed Walad Cabdalla ayaa ka  soo saaray Magaalada Nairobi Bayaan uu kaga hadlayo kulankii shalay dhexmaray Hillary Cilinton iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed,wuxuu ku tilmaamay inuu kulankaas ahaa mid aad Muhiim u ah, loona Baahnaa, wuxuuna sheegay inuu xoojinayo Mowqifyadii Urur Goboleedka IGAD, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka, Midowga Yurub iyo Soomaaliya si gaar ah.

Sidoo kale Axmed Walad Cabdalla wuxuu kulankaasi ku tilmaamay mid lagu Muujinayey sida weyn ee loo Taageersan yahay Nabada iyo Degenaanshaha Soomaaliya, hase ahaatee wuxuu xusay in Dowladda KMG ah ay u Baahantahay Taageero weyn si ay u sii wado Wada hadalka kala duwan ee ay la leedahay Garabyada iyo sidii ay u sii xoojin lahayd Amaanka Dadka.

si kasta ha ahaatee Sheikh Shariif sh. Axmed iyo Haweynayda Xoghayaha Arimaha Dibada u Qaabilsan Maraykanka Hillary Clinton ayaa Shalay Shir ku yeeshay Safaarada Maraykanka ee Magaalada Nairobi, isla markaana ay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya loogu Balan qaaday Taageero Milatari iyo mid dhaqaale,waxaana halkaas Hanjbaad kulul loogu jeedisay Dowlada Eritrea.

SomaliSwiss   Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: