Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo shalay loo diiday inuu soo dhoweeyo Wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya….

dhalxa2

Halkaan ka akhri

Prof. Maxamed Cumar Dhalxa  oo ah Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka KMG ah ayaa la sheegay inuu si aad ah uga carooday sharaf dhac shalay lagu sameeyey, taasoo ah in loo diiday inuu ku soo dhoweeyo Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif oo ka soo dagayay Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyati.

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka KMG ah Prof. Dhalxa ayaa sheegay in xilligii garoonka loo aadayay soo dhaweynta Madaxweynaha loo diiday in uu raaco gawaarida Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ee loogu talo galay soo dhoweynta madaxweynaha, halkaasina uu ka raacay gaari taxi ah oo isagu uu si qaas ah u kireystay.

Prof. Dhalxa  ayaa caddeeyey Sidoo kale in markii uu tagay Garoonka diyaaradaha hadana mar kale loo diiday inuu gudaha u galo garoonka si uu halkaasi ugu soo dhoweeyo madaxweynaha.

Profesoorka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Markii aan tagay Garoonka waxaa la ii diiday inaan gudaha u galo si aan Madaxweynaha u soo dhoweeyo, mar kalena waxaa leyga hor istaagay inaan Hotelka kula kulmo Madaxweynaha”.

Dhanka kale Gudoomiye Kuxigeenka1aad ayaa ku dooday in rag gaar ah  ay ku lug lahaayeen falka loogu diiday inuu ku soo dhoweeyo kulana kulmo Madaxweynaha ha yeeshee waxaa sheegay in Baratakoolka uu dhigayo inuu soo dhoweeyo maadaama uu yahay Mas’uuliyiinta ugu sareeya Baarlamaanka.

SomaliSwiss  Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: