Wasiirkii warfaafinta maamul goboleedka Puntland oo ay kooxo hubeysan toogasho ku dileen gudaha magaalada Gaalkacyo.

seeftabanaanka

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Maanta lagu dilay  gudaha magaaladaasi Wasiirkii Warfaafinta ee Maamulka Goboleedka Puntland.

Wasiirkii wasaaradda warfaafinta maamul goboleedka Puntland Warsame Cabdi Shirwac oo ku magac dheer (Seefta-banaanka) ayaa goor dhoweyd toogasho lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Lix qof oo hubaysan ayaa lasheegay in ay rasaas fara badan ku fureen wasiirka xilli uu ku sugnaa goob maqaaxi ah oo ku taala gudaha magaalada Gaalkacyo.

Rasaasta ay la dheceen kooxdii dableyda aheyd ayaa waxaa ay wasiirka ka haleeshay madaxa iyo qeybo kale oo halis ah, isla goobtaasi ayuuna ku geeriyooday.

Waxaa isla markiiba goobta uu falkan ka dhacay isku gadaamay ilaaladii la socotay wasiirka la dilay iyo ciidamo kale oo katirsan maamulka oo iyaguna soo gaaray goobta.

Majiraan illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka goboleedka Puntland oo ku aadan dilka loo geystay Wasiirkii Warfaafinta Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Banaanka).

SomaliSwiss Gaalkacyo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: