Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya ah oo muddo maqnaa oo bilaabay in ay dib ugu soo noqdaan Mag. Muqdisho.

Baarlamaanka1

 Halkaan ka akhri

Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo qulqulayo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowladda KMG ah, kuwaas oo markii Guddoomiyaha Barlamaanka uu ku dhawaaqay in talaaba laga qaadi doono Xildhibaankii Sabab la’aan uga maqnaadaa howlaha iyo shaqooyinka looga baahan yahay ka qayb galkooda marka marka uu Barlamaanka uu u fadhiisanayo Mooshinada la soo hordhiga.

Dorraat ayay ahayd Koox Xildhibaanno ah oo ay la socdeen Ra’iisul-wasaare C/rashiid, sidoo kale waxaa maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Adan Adde International 18 Mudane oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Hase ahaatee Xildhibaanadan oo siddeed iyo tobanka ah,  ayaa la sheegay inay ka yimaadeen wadanka Sudan halkaasoo seminaar ay kaga soo qeyb galeen.

Dhanka kale Seminaarkan ayaa wuxuu ahaa mid aqoon isweedaarsi ah, sida uu ku waramay Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Diiriye (Indhobuur) oo hogaaminayay xildhibaanadan.

Si kasta ha ahaatee waxaa maalin dhoweyd war ka soo baxay hogaanka Baarlamaanka digniin loogu jeediyay xildhibaanada dibadda uga maqan magaalada Muqdisho inay ku soo galaan mudo gaabaan loo qabtay.

Xildhibaanada ka soo noqday Seminaarka ayaa  u hadlay Xildhibaan Indhobuur waxa uu sheegay in seminaarkan lagu soo qaaday xiriira ka dhaxayn kara labada Dowladood  Soomaaliya  iyo Suudaan iyo labada Barlamaan, wuxuuna  meesha ka saaray in socdaalkooda uu xiriir la leeyahay digniinta hogaanka Baarlamaanka u soo jeediyey Xildhibaanada ka maqan Fadhiyada barlamaanka.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: