Markab laga lahaa dalka Jarmalka oo ay sii daayeen Burcad badeeda Soomaalida.

Somalia Japan Piracy

Halkaan ka akhri

Maalintii Shalay ahayd ayaa Midowga Yurub ay  Shaaca ka Qaaday in Burcad Badeed Soomaali ah ay siidaayeen Markab laga lahaa dalka Jarmalka oo ay heysteen Mudo 4 Bilood ah, kadib Markay ka qaateen Madaxfursho Gaareysa 2.7 Million oo Dolar.

Shaqaalihii Saarnaa Markabka la sii daayey ayaa waxay ka Koobnaayeen 5 Jarmal ah, 3 Ruush ah, 2 Ugriyaan ah iyo 14 Philippin ah.

Sidoo kale Wararka laga helaayo Burcad Badeeda ayaa Sheegaya in Diyaarad loogu geeyey lacagta madaxfurashada ah, Markii ay tirsadeen oo ay gaareen Saldhigoodiina la sii daayey Markabka.

Muuse Guuleed oo ka mid ahaa Burcad Badeeda oo ka hadalayey Magaalada Xeebeedka Xarardheere ayaa yiri: “waxan helnay Madaxfurasho dhan 2.7 Million oo Doolaar si loo siidaayo Markabka Germani lagaleeyahay ee “Hanza” goor dhaw ayaana lasiideyn doonaa Markabka”.

Sida la wada ogsoon yahay Burcad Badeedan ayaa Markabkan ka  Qafaashay 4-tii April Meel u jirto Xeebaha Soomaaliya 500 Km oo u dhaxeysa Kenya iyo Jaziirada Seashells.

SomaliSwiss    Xaradheere

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: