Madaxweyne Sheikh Shariif oo ka hadlay kulanka ku dhexmari doono magaalada Nairobi isaga iyo Hillary Clinton.

Sheikh Shariif sh.jpg1

Halkaan ka akhri

Sheikh Shariif sh.jpg2Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa waxa uu maanta kahadlay kulanka ku dhaxmari doono Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isaga iyo Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanka Hillary Clinton.

Sheikh Shariif oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Villa, waxa uu kaga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin kulanka xasaasiga ee Waqtiyada soo socda la filayo in ay ku yeeshaan  dalka kanya dowladaha Maraykanka iyo Soomaaliya.

Ugu horeyntii Madaxweyne Sheikh Shariif  waxa uu sheegay in kulanka uu la yeelanayo xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanka  Hillary Clinton uu yahay mid muujinaya in Caalamka uu haatan u soo jeestay dalka Soomaaliya islamarkaana hor u dhac u ah talaabo ay ku hormartay dowladda KMG ee Soomaaliya.

2Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed wuxuu intaas ku daray in kulanka ay kaga wada hadli doonaan labada dowladood Arimaha siyaasadda Amaanka iyo xariirka labada dal taasoo uu sheegay in ay tahay fursad shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay ka faa’iideystaan.

Sidoo kale madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa warbaahinta ay wax ka weydiyeen inuu ka warqabo in dhalinyaro Soomaali ah ay dalka Australia lagu qab-qabtay iyagoo doonayey in ay weeraro is miidaamin ah ka fuliyaan saldhigyo ciidamada dalkaas ay ku leeyihiin Caasimadda dalka Australia.

Sheikh Shariif ayaa waxa uu kaga jawaabay in arrintaas ay tahay wax laga xumaado in dhalinyaro Soomaali ah oo dalkooda  rabshado uga cararay ay dalal kale rabshado ka geystaan, hase yeeshee Dowlad kasta waxaa waajib ku ah inuu ilaaliso dadka iyo dalkeed, balse wuxuu intaas uu raaciyey in arrimaha noocan ah ay tahay waxyaabo aad looga caroodo.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyaro kale oo dalal kale wax ku soo bartay ay haaian rabshado ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya islamarkaana ay ka bar bar dagaalamayaan Xoogaga hubaysan ee ka soo jorjeeda dowladda.

Madaxweynuhu ayaa wuxuu ugu dambeyntii ka hadlay halkii ay ku dambeeyeen Labadii sarkaal ee u dhalatay dalka Faransiiska ee dhawaan lagu afduubtay gudaha Magaalada Muqdisho,waxaana uu sheegay madaxweynuhu in dowladda KMG ee Soomaaliya ay ka warheyso halka ragaasi lagu heysto iyo xaaladooda balse aysan aheyn arin la muujinayo.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: