Kooxo Soomaali iyo Lubnaan isugu jira oo ay Ciidamada Australia soo qab-qabteen, laguna eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabab.

Australian police

Halkaan ka akhri

Waxaa xalay ilaa Saakay laga baahiyey Idaacadaha la iska arka ee Wadamada Reer Galbeed in Ciidamada Australia ay qabqabteen Kooxo Soomaali iyo Lubnaan isugu jiray kuwaas oo lagu eedeeyey inay damacsanaayeen in ay weeraro ka fulin Xero Ciidan oo ku taala dalka Australia.

Ciidamada Booliiska ee Wadanka Australia sheegay in ay qab qabteen ilaa 4-ruux oo ay ku jiraan dad Soomaali ah oo looga shakiyay  in ay qorshaynayeen weeraro ismiidaamin ah oo ay ka fuliyaan Saldhig Ciidan oo ku yaala Wadanka Australia.

Sidoo kale Booliiska Wadanka Australia ayaa waxay sheegeen in dadkaasi la qabtay oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya iyo Lubnaan loogana shakiyay in ay ahaayeen dad qorsheenayay weeraro ay ka fuliyaan Saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada Milateriga Wadankaasi Australia.

Nin Mas’uul ah oo ka tirsan Ciidamada Australia ayaa sheegay in ragaasi ay damacsanayeen in ay fuliyaan weerar loo adeegsado hubka darandooriga u dhaca iyo qoryaha fudud ee aanay qorshaynayn in ay is qarxiyaan isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku jira dadkaasi la qab qabtay looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalamaya dalka Soomaaliya, gaar ahaan Kooxda la magic baxday Xarakada Mujaahidiinka Al-Shabaab.

Dadkan la qab-qabtay ayaa sidoo kale lagu tuhmay inay ku lug leeyihiin arrimo la xiriira falal ismiidaamin ah iyo in ay fuliyaan weeraro xiriir ah oo laga fuliyo Saldhigyada Ciidamada Booliiska iyo Milateriga ee ku yaala Herada lagu magacaabo Vectoria ee koofur bari ee wadankaasi Australia.

Sida warbaahinta Dalkaas ay sheegeen waxaa howlgalka lagu soo qab qabtay dadkaasi fuliyeen ilaa 400 oo ka tirsan Ciidamada Booliiska ee dalka Australia.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Ciidamada Australia oo sugaya amaanka Magaalada Caasimada Sidnei ay si aad ah Wadooyinka loo keenay iyadoo ay sheegeen in tan iyo bilowgii  bishii Janawari ee la soo dhaafay ay wadeen baaritaano la xiriira suurtalgnimada weeraro lagu qorsheenayo in laga fuliyo gudaha Wadanka Australia.

Sida laga soo wariyey Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Kevin Rudd ’s carbon-pollution  in meesha laga saari karin suurtagalnimada in qorshaynta weerarkaasi ay xiriir la leedahay howlgalada Ciidamada Australia ay ka wadaan  Wadanka Afgaanistaan oo iyagu qeyb ka ah Ciidamada Caalamiga ah ee halkaasi jooga. Hase yeeshee  wuxuu warfidiyeenada u sheegay in arrintan ay baarayaan, islamarkaana natiijada soo baxda ay Warbaahin Gudaha iyo tan Caalamka u soo gudbin doonaan.

Tarjumada SomaliSwiss Australian News.Net

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: