Halkaan ka akhri
Waxaa soo gabagaboobay diyaar garowgii qorshaha dagaal ee Beesha Caalamku ay ku doonaysay in ay Soomaaliya uga saarto xoogaga Al-Qaacida iyo Al-Shabaab oo si toos ah iskugu xiran.
Qorshahan oo lagu diyaariyay meela badan oo kamid ah dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, Jabuuti iyo Washington, ayna ka qayb qaateen saraakiil Soomaali ah ayaa lagu wadaa in dhawaan la howl galiyo.
Ciidamo cusub oo kuwa AMISOM ah oo si qarsoodi ah looga soo dejiyay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas oo ay hada tiradoodu gaaraysaa gabi ahaan 6300 waxaana dhawaan la gaarsiin doonaa illaa 10,000 oo kale.
Howlgalkan oo laga bilaabi doono gobolada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose ayaa marka ugu horaysa waxa lagu fidin doonaa ciidamada AMISOM inta u dhaxaysa labada buundo ee Afgooye iyo Balcad iyo guud ahaan wadada dheer ee Warshadaha.
Waxaa kaloo ay ciidamadaasi xiri doonaan dhamaan wadooyinka soo gala magaalada Muqdisho, Marka la xiro intaasi, ayaa waxaa ciidamada dowladda KMG Soomaaliya laga howl galin doonaa gudaha magaalada Muqdisho, waxaana la diyaariyay ciidamo soo qabqabta dhalinyarada da’da yar ee hubka u sida kooxaha Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.
Sidoo kale waxaa qorshahan cusub ku jira in ilbaabada loo laabo dhamaan Idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho, inta uu socdo howl-galkaasi.
Howlgalkan ayaa waxaa ka qayb qaadan doona diyaaradaha dagaalka ee NATO, kuwaas oo kasoo kici doona garoonka dalka Jabuuti iyo Maraakiibta dagaalka ee taagan badweynta India.
Lama sheegin sida laga yeeli doono madaxda Kooxaha mucaaradka ah, in la dili doono iyo in nolol lagu qaban doono, waxaase muuqata in la marsiin doona labadaas waji midii fududaata.
Inta badan madaxda kooxda Al-Shabaab ayaa ku nool gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ka hagaan Maleeshiyaadkooda ka howlgala qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya, halka madaxda Xisbul Islaam ay dhamaantooda ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.