Illaa Shan Xildhibaan oo laga xayuubiyay xilalkooda iyo qaar kahor yimid xil kaqaadistaasi lagu sameeyay.

Halkaan ka akhri

Xildhibaano katirsanaa Baaarlamaanka KMG Soomaaliya oo aan soo xaadirin fadhiyadii Baarlamaanka isla markaana aan fasax qaadan ama isaga tagay dalka Soomaalya ayaa laga qaaday xalalkoodii, iyadoo lagu buuxinaayo boosaskooda xildhibaano kale oo lays leeyahay way kafirfircoon yihiin.

Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa cadeeyay in xildhibaanada qaar sida Ra’iasal wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi lasiiyay digniino kama dambays ah intaas kabadanna aan loogu dulqaadan karin in ay kamaqnaadaan dalka ama kalfadhiyada baarlamaanka.

Kalfadhigii Shalay uu yeeshay Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa kasoo baxay in laga fadhiisiyay xilalkoodii xildhibaanimo lagana eryay ilaa Shan Xildhibaan oo gudan waayay xilalkoodii.

Dhinaca kale Xildhibaan Cali Baashi oo kamid ah xildhibaanada laga qaaday xilalkooda oo ku sugan Magalada Nairobi oo waraysi siiyay saxaafadda ayaa waxaa uu diiday kana hor yimid go’aankii uu shalay gaaray baarlmaanka oo xilka looga qaaday, isagoona ku tilmaamay mid sharci daro ah.

Sidoo kale Xildhibaan Ismaaciil Hurre Buubaa oo isna laga qaaday xilkii ayaa hadalkaasi oo kale kayiri, isagoo ku sugan Magaalada Nairobi.

Xildhibaanada qaar oo uu kamid yahay Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa lagu lagu eedeeyay in ay ka shaqeynayeen Musuqmaasuq iyo u ololeynta dalka Soomaaliya in ay kala gooyaan.

Si kasta ha ahaatee waxaa muuqata dar dar galin siyaasadeed oo laga doonaayo inay muujiso dawladdu si ay uga baxdo fadhiidnimada, ugana hesho beesha caalamka taageero dhan walba ah.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: