Diyaarado kuwa Militariga ah oo Shalay illaa Xalay ka dagayay garoonka diyaaradaha mag. Muqdisho.

US air force1

Halkaan ka akhri

 

Wararka nagasoo gaaraya garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa sheegaya ilaa xalay in ay ka dagayeen garoonka Adan Ade International Airport diyaarado Militari, kuwaas oo loo malaynayo in ay wadaan agab ciidan iyo ciidamo ladoonayo in ay hawgalo ka sameeyaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho ku dul wareegaysa diyaarada AC130 ayadoo dulmeer kusamaynaysa guud ahaan Muqdisho, Jowhar, Baydhabo ilaa Kismaayo, ayadoo aan la ogayn waxa ula jeedkeedu yahay.

Guuxa diyaaradan oo aad u weyn ayaa inta badan laga maqlayay qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhaqdhaqaaqan ayaa kusoo beegmaya xili uu madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni yiri “Anagu waxaan awoodnaa inaan kordhino tiradda ciidamadeena si ay u kaalmeeyaan walaalahayaga Soomaaliyeed si ay u helaan nabad”.

Madaxweynaha oo intaasi raaciyay ayaa yiri “Waxaan leenahay awood, waxaan u baahanahay oo kaliya qalab iyo dhaqaale badan” Hadaladaas Madaxweynaha Ugaandha ayaa muujinaya inay dawladiisu hadda ay isku waddo in ay hawgalka madax kanoqoto, inkastoo Faransiisku uu doonayo in dal kale uu madax ka noqdo hawlgalkaan.

Waxaana lafilayaa haddii lago’aamiyo in aan laga badalin sidii lagu waday in taliska AMISOM loo dhiibo Janaraal Jabuutiyaan ah.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: