Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta Dowladda KMG Soomaliya oo wax lagu qoslo ku tilmaamay Maamulka uu Xisbul Islaam magacaabay.

7279_NpAdvSinglePhoto

Halkaan ka akhri

Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta Dowladda KMG Sheekh C/risaaq Maxamed Qeylow ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay Maamulkii shalay ay uga dhawaaqeen Xisbul Islaam Gobolka Banaadir, kaasoo noqonaya kii sadaxaad oo dhinacyada isku haya siyaasada u wada sameystaan gobolkan

Afhayeenka ayaa sheegay in go’aankaas uu ahaa mid dadka Muqdisho ay la yaabeen, isla markaana ay u arkeen inuu yahay mid la iska magacaabay.

Sheekh C/risaaq Maxamed oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Runtii dadka Muqdisho aad bey ula yaabeen nimankaan la leeyahay Xisbul Islaam Maamulkii ay u magacaabeen Gobolka Banaadir waana wax lagu qoslo”, wuxuuna intaa ku daray in Maamul kaliya uu ka jiro Gobolka Banaadir aanay isla wada shaqeyn karin maamul ku sheegyo la iska sameystay.

Waxaa uu ugu baaqay Xisbul Islaam in markii hore hadii ay ahaayeen Xil doon ay ku soo biiraan Dowladda dhinacooda ka raacaan, waxaana uu u cadeeyay in xilal ay ka heli doonaan.

Urur Xisbul Islaam ayaa Maalintii shalay aheyd u magacaabay Gobolka Banaadir Maamul hoos taga Xisbiga, waxaana Guddoomiyaha Gobolka loo magacaabay Macalin Xaashi oo ka soo jeeda Beesha Mudullood

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: