Xog-hayaha guud ee QM Ban Ki-moon oo bayaan Deg-dega ka soo saaray Xaaladda adag ee dalka Soomaaliya uu ku jiro.

UN chief Ban Ki-moon

Halkaan ka akhri

united nations

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa beesha Caalamka ugu baaqey in taageero deg deg ah lala gaaro DKMG ah oo Xoogaga Islaamiyiinta xag-jirka ah ee ka soo horjeeda inay ridaan halis ugu jirta.

Hadalkiisan ayaa ku soo aadaya xilli ay baryahanba ka socdeen magaalada Muqdisho duqeyn iyo dagaallo aad u culus ee dhexmarayay Ciidamada Dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinc kale.

Dagaaladan oo 24kii Saac oo ina soo dhaafay ay ku dhinteen 20 qof 50 kalena dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo madaafiicdu guryahooda ugu tagtey, haddana  yaala Isbitaalada kale duwan, si aad ahna ay u il-daran yihiin.

Ban Ki-moon oo maalintii khamiista ahayd ka soo saaray Bayaan rasmi ah oo la xiriira Xaaladda adag ee dalka Soomaaliya uu ku jiro, wuxuuna u qeylo dhaan ku aadan in la taageero DKMG ah u jeediyey beesha Caalamka, waxa kale oo uu intaa ku darey inaan marnaba la ogolaan isku day kasta oo lagu ridayo DKMG ah.

Weerarada ka dhanka ah DKMG ah ayuu sheegay inay imaanayaan xilli Dowladu qaar badan oo ka mid ah Ajandayaashii xilliga KMG ah loogi talo galey inay qabato fulintooda wado, balse faah-faahin kama uusan bixinin Ajandayaashaas, waxa uu sidoo kale intaa ku darey in looga fadhiyo qeybaha kale ee dalka inay Awoodeeda ku baahiso.

Waxaa kaloo uu Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay sheegay in Sh Shariif & qeybaha kale ee Xukuumada dadaal ugu jiraan sidii dadaak dheeraadu gelin lahaayeen ka mira dhalinta dibu heshiisiin & wada Xaajood Xoogaga ka soo horjeeda la furto- DKMG ah-, dhanka kase waxa uu sheegay inay dadaaladaas uga jawaabeen iska hor’imaadyo hubeysan, sida uu hadalka u dhigey.

Dhinaca kale, Ciidamada AMISOM ayuu ugu baaqey inay Xoogaga DKMG ah is hayaan ku qasbaan sidii nabbada qeyb uga noqon lahaayeen, sidoo kale  Dowladaha Midowga Afrikana ay ku baaqeen inay Ciidamada AMISOM soo dhameystiri doonaan inta ka harsan oo ay horay u ballan qaadeen.

Sidoo kale Bayaanka oo laga soo saaray Xafiiska Ban Ki-moon ayaa lagu sheegay in Xaalada Bani’aadanimo ee Soomaaliya tahey mid ka sii dareysa.

SomaliSwiss    New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: