Ahmedou Ould Abdalla oo la sheegay inuu door weyn ku lahaa u magacaabista C/llaahi Maxamed Cali Wasiirka Amniga.

SOMALI PIRACY/UN

Halkaan ka akhri

Sambalooshe

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya ayaa noqday dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Dowladda Soomaaliyed, isagoona u soo muuqda shaqsiyaadka talada ka go’da marka loo eego fara gelintiisa dadban.

Dad badan ayaa aaminsan in siyaasada Soomaaliya uu dorar kala duwan ku leeyahay Axmed Walad Cabdalla sida dhismaha Dowlad Midnimo Qaran ee lagu unkay Jabuuti, isagoona ahaa qofkii liijaanka u hayay natiijada ka soo baxday Shirkii Jabuuti ee Mucaaradka iyo TFG-da, kaasoo ugu dambeyn ka dhalatay Dowlad uu Madaxweyne ka yahay Shariif.

Tan iyo mudadaas waxaa isa soo taraya awooda siyaasadeed ee uu Walad Cabdalla ku leeyahay Dowladda, isagoona saaxib dhow la ahaa Madaxweyne Shariif iyo ninka aan ka daba harin ee la dagan Madaxtooyada Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Wasiirka Maaliyada.

Axmed Walad Cabdalla ayaa doorarkiisa siyaasadeed keenay in shaqsiyaad uu rabo loo magacaabo Wasiiro ka tirsan Dowladda oo uu gacan saar la lahaa, inkastoo doorkiisa dambe ay tahay mid soo if-baxday.

Wasiirka cusub ee shalay loo magacaabay Wasaarada Amniga Qaranka C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloonshe oo ah nin si weyn uga soo shaqeeyay Hey’adaha UN-ka ayaa sanadihii u dambeeyay ka mid ahaa Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey, waxaana uu si gaar ah ula soo shaqeeyay Farancois Fall Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobey iyo Wakiilka hada Walad Cabdalla.

Mr C/llaahi oo ka soo jeeda Beesha Xawaadle ayaa isku helay xilkaas iyo kaalinta uu ku leeyahay Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey, waana nin si weyn siyaasada Soomaaliya wax uga yaqaana marka loo eego 5-tii sano ee u dambeysay.

Xilka uu qabtay C/llaahi Sanbaloonshe waxaa horay u hayay Allaha u naxariistee Marxuum Cumar Xaashi Aadan oo 18-kii bishii June ku dhintay weerar is qarxin ahaa oo ka dhacay B/weyn, kaasoo uu fuliyay qof naftii hure ah.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: