Taliyaha Laanta Socdaal DKMG C/llaahi Gaafow oo ka warbixiyey Howlaha Waaxda Socdaalka, Beeneyeyna in laga fadhiisiyey shaqada.

gaafow1

Halkaan ka akhri

Taliyaha Laanta Socdaal DKMG ah C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa Maanta Beeniyey in DKMG ahi ay Xilka qaadis ku Sameysay wuxuuna Sheegay in Shaqdiisii uu sii wato.

Gaafow oo Maanta Shir Jaraa’id ku Qabay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqsiho wuxuuna ku tilmaamay Hadalada Sheegayey in Xilkii laga Qaaday ay yihiin kuwa Been ah isla markaana ay u Sheegeen Xubnaha Sarsare ee DKM ah in aysan ogeyn Meel Xil Looga Qaaday.

Taliyuhu oo ka hadlayo arrintaas wuxuu yiri:“Dadka Soomaaliyeed waxaan u Sheegeynaa in aysan waxaa waxba ka jirin… aniga waxaan is aragnay Madaxweynaha Ra’iisulwasaaraha waxaan iri warka Ceynkaas ah Muxuu yahay waxayna ii sheegeen in ay la yaaban yihiin”.

Sidoo kale Gaafow ayaa Sheegay inay soo dhameystireen Helida Baasaboorka Cusub ee E-Passport isla markaana ay Qiima Dhimis ku sameeyeen Helitaankiisa, wuxuuna shaaca ka qaaday in laga dhigay qiimaha Baasaboorka Sidatan:

 1 – Qiimaha Baasaboorka Caruurta waa 40 $(Dollar).

2 – Dadka Waaweyn ee Soomaaliya Jooga waa 80 $(Dollar).

3 – Dadka Dibadaha ku nool waxaa laga siinayaa 100 $ (Dollar).

Gaafow oo ka Hadlayey arrinta Passaborka wuxuu yiri: “Waxaan Maanta idiin Sheegayaa Passabor oo dhan in uu Maanta imaanayo Diyaarada hada jidka ku soo jirta ayuu soo saaran yahay wixii Maanta ka Dambeeyana 7 Casho kaliya lagu helaayo…Passaborku Cidgaar uma laha Dowlada Gaar uma lahan Mucaarad Gaar uma lahan Passaboorku waa arimaha Bulshada, Qiimaha waxbaa laga badalay Caruurta Soomaaliyeed Meelkasta oo ay joogaan Dal iyo Dibad waxaa lga dhigay 40 $Dadkii waaweynaa ee 150-ka Dibada ka ahaaana 100 $ baa looga dhigay gudahana waxaa laga dhigay 80 $”.

Hadalka Gaafow ayaa ku soo Beegmaya Xilli Warar ku dhaw dhow Madaxda DKMG ah oo ay inbadn oo Saxaafada ka mid ah heshay ay sheegayeen in Xilka Qaadis lagu Sameeyey Gaafow.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: